Seddax arrimood oo Uhuru Kenyatta uu sameeyay markii uu masaajidka galay

0
uhuru kenyatta masjid

Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa xalay gudaha u galay masaajidka Jamia oo ah kan ugu wayn Kenya ee la dhisay 1925-tii.

Madaxweynaha ayaa la afuray Muslimiin badan oo isugu tagay Masaajidka. Balse dowladdiisa waxaa horey loogu eedeeyay in Muslimiinta ay bartilmaameedsanayaan iyadoo adeegsanaysa “argagixiso la dagaallan”.

“Markii ay dhibaato dhacdo, ma aysan geysan Muslimiin ama Masiixiyiin, balse waxaa ka dambeeyo burcad”, ayuu Kenyatta u sheegay Muslimiintii ku sugnayd masaajidka isagoo taagnaa mimbarka.

Hadda madaxweynaha ayaa arrimo cajiib ah sameeyay:

Kabaha ayuu iska siibay

Markii uu gaaray masaajidka, wuxuu iska siibay kabaha wuxuuna u gudbay meesha waysada. Waxay u muuqatay in uu fahamsanaa sida loo waysaysto.

Uhuru oo aan Muslim ahayn, waxaa masaajidka kusoo dhoweeyay qaar ka mid ah culimada, siyaasiyiin iyo dad kale oo aad u badan.

Waxaa wehliyay qaar ka mid ah golihiisa wasiirada oo qaarkood ay yihiin masiixiyiin. Sidoo kale waxaa la socday Maayarka magaalada Nairobi.

Maamulaha masaajidka, Sheekh Maxamed Warfaa ayaa sheegay “Waa markii ugu horeysay ee taariikhda Kenya oo madaxweyne xil haya uu masaajid gudaha u galo. Wuxuu albaabo cusub u furayaa midnimada dalka”.

Markii la aadimay, wuu afuray, isagoo dhankiisa midig uu ka muuqday xildhibaanka laga soo doorto Garissa Adan Barre Ducaale oo sidoo kalena ah hoggaamiyaha golaha Aqlabiyadda ee Baarlamaanka Kenya.

Salaadda Maqrib ayuu Tukaday

Ka dib markii uu waysaystay wuxuu usii gudbay qeybta hore ee masaajidka, wuxuuna galay safka ugu horreeya.

Uhuru oo ku tukanaya safka hore masaajidka Jamia ee Nairobi
Image captionUhuru oo ku tukanaya safka hore masaajidka Jamia ee Nairobi

Wuxuu kormeer ku sameeyay qeybo ka mid ah masaajidka sida madxafka iyo telefishin uu masaajidka leeyahay oo lagu magacaabo Horizon oo dhismaha masjidka ku dhex yaalla.

Uhuru Kenyatta waa madaxweynihii ugu horreeyay ee Kenya ee gudaha u gala masaajid, inkastoo dad badan ay arrintaan u arkaan mid aan habbooneyn.

Balse, markii la aqimay ayuu sida dadkii kale ee masaajidka ku jiray, wuu istaagay, wuxuuna la tukaday muslimiintii. Dadka waxay aad u hadal hayeen sida uu u garanaay salaadda iyo arkaanteeda. Waxay u ahayd markii ugu horeysay ee uu sujuuday.

Kitaab Quraan oo hadiyad ahaan loo siiyay

Uhuru Kenyatta oo xirnaa khamiis ayaa la siiyay kitaabka Quraanka Kariimka ah oo uu ku gudoomay gacanta bidixda. Wuxuu gacantiisa kale ee midigta ku salaamayay Sheekh Maxamed Warfaa oo hadiyadda siiyay.

Uhuru Kenyatta oo la gudoonsiiyay Kitaab Quraan ah
Image captionUhuru Kenyatta oo la gudoonsiiyay Kitaab Quraan ah

Madaxweynaha Kenya ayaa dadkii ku cibaadeysanayay masaajidka ku adkeeyay in ay ka shaqeeyaan mideynta dhammaan shacabka Kenya, wax kastoo ay yihiin.

“Waan ku faraxsannahay inaan nahay dad kala duwan oo qowmiyado badan ah, oo diimo kala duwan haysta”, ayuu yiri Kenyatta.

Adan Barre Ducaale oo Kenyatta ku wehliyay booqashada masaajidka ayaa sheegay in madaxweynaha ay kala hadleen arrimo badan sida in jaamacadda Muslimiinta ee Ummah ee ku talla Nairobi lagu daro kuwa ugu sareeya dalka Kenya iyo in maalinta ciidul Adxa laga dhigo maalin fasax ah.

Dadkii Masaajidka ku tukanayay
Image captionJameecadii kale ee masaajidka

“Ciida Carafada ee soo socota waxay ahaan doonaa maalin laga fasaxan yahay shaqada,” ayuu yiri Dacuule oofarriin ku qoray bartiisa Facebook.

Haddaba maxaa ka dhashay

Dad badan oo baraha bulshada isticmaala ayaa arrintaas si kala duwan u arkay. Qaar ka mid ah waxay ku tilmaameen tallaabo wanaagsan halka kuwana ay u arkaan in ay tahay arrin laga haboonaa in Uhuru Kenyatta uu galo masaajidka.

Ka gudub Twitter daabacaad W.Q @AdinatoAnkey

Adinato Omar@AdinatoAnkeyReplying to @HonAdenDuale and 2 others

All I can say is Fame and money was more important than the the ISLAMIC ways of doing things15:01 AM – May 31, 2019Twitter Ads info and privacySee Adinato Omar’s other Tweets

Dhammaadka Twitter daabacaadda qore @AdinatoAnkey

Ka gudub Twitter daabacaad W.Q @Mohamed_Hambe

Mohamed A. Hambe@Mohamed_HambeReplying to @HonAdenDuale

Good stride. We are so much humbled to recieve the president for the first time in a mosque. It must be added to the pages of history. So much overwhelmed.52:01 AM – May 31, 2019Twitter Ads info and privacySee Mohamed A. Hambe’s other Tweets

Dhammaadka Twitter daabacaadda qore @Mohamed_Hambe

Ka gudub Twitter daabacaad W.Q @paulkaweru

Paul Kaweru@paulkaweruReplying to @HonAdenDuale

Wow. A very great achievement. Wa wa wa….2:57 AM – May 31, 2019Twitter Ads info and privacySee Paul Kaweru’s other Tweets

Dhammaadka Twitter daabacaadda qore @paulkaweru

Ka gudub Twitter daabacaad W.Q @Abubaka77283365

Abubakar.@Abubaka77283365Replying to @StateHouseKenya

Mashallah,tell our President to be come a Muslim.211:06 PM – May 30, 2019Twitter Ads info and privacySee Abubakar.’s other Tweets

Dhammaadka Twitter daabacaadda qore @Abubaka77283365

Ka gudub Twitter daabacaad W.Q @Klamech

KIAKHA M.C LAMECH@KlamechReplying to @StateHouseKenya

The sheikh mwenyewe uhuru Kenyatta…for sure the president is committed to deliver his promises18:06 AM – May 31, 2019Twitter Ads info and privacySee KIAKHA M.C LAMECH’s other Tweets

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here