Sh Maxamed Idiris oo Xasan Sheekh ku duray rukuucdii meydka askarta Kenya

0

Iyadoo maalin un ka hor Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud uu dalka Kenya uga qeybgalay Aaska Ciidamadii Kenya ee lagu xasuuqay Xeradda Ceel-cadde ee Gobalka Gedo, ayaa waxaa dhacdadii uu Xassan Sheekh ka dhex sameeyay munaasabada ka hadlay Sheekh Maxamed Idiris oo kamid ah Culimada ugu caansan gayiga Somalia. Sheekh Maxamed Idiris oo diin iyo dhaqan ahaanba arrin khatar ah ku tilmaamay Sajuudka Xassan Sheekh uu u sajuuday meydadka ciidamada Kenya ayaa waxa uu wadaadka arrintaasi uga hadlay qoraal kooban oo uu qoray. Sheekh Maxamed Idiris waxa uu Madaxweynaha Somalia ka codsaday inuu cadeeyo sababta ka danbeysay inuu u sajuudo Meydadka. HOOS KA AKHRISO QORAALKA SHEEKH MAXAMED IDIRIIS EE KU SOCDA XASSAN SHEEKH:- Madaxweynuhu ha caddeeyo arrinka lala yaabay! Waxaa barraha xiriirka bulshada illaa shalay dadka Soomaaliyeed aad u hadal hayeen Sawir la soo dhigay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Calaamad rukuuc ku hor istaagey daljirka dahsoon ee Kenya!! Madaxweynuhu waa nin Muslim ah, dal iyo dad Muslim ahna wuu matalayaa. Dhaqanka Diplomaasiyaddana waxaa ka mid ah (Protocol) loo ilaalsho dal kasta madaxdiisa wixii ka caaggan diintooda iyo dhaqankooda. Sidaa awgeed waxay dadku isweydiinayaan: Maxaa ku khasbay Madaxweynaha arrin diintiisa ka soo horjeeda, oo dembi weyn ah, halisna uba ah burintiisa? Waxaa xaq loogu leeyahay Madaxweynaha arrinkaas dadku wada arkay, lana fajacay inuu jawaab ka siiyo waxa ku khasbay? Xagga xukunka arrinka, Culimada Islaamku iskuma khilaafsana Cid aan Ilaahay ahayn in loo rukuuco iney xaaraan maqdaca tahay, waxayse isku khilaafeen, ma lagu gaaloobayaa mise maya? Qaarkood sida Culimada Xanafiyada waxay qabaan in lagu gaaloobayo ama cibaada ha ula jeedo qofku ama salaan. Culimada qaarna wexey qabaan haddii cibaada loola jeedo in lagu gaaloobayo, haddii kalena dembi wayn tahay. Sidey noqotaba waa arrin culus oo tilmaamo badan oo aan fiicnayn ka bixineysa Muslimiinta, gaar ahaan Soomaalida iyo dadkeeda iyo Dawladeeda. Ilaahow na astur.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here