Shabaab oo toogtay rag ay ku eedeeyeen inay la shaqeynayeen ciidamada AMISOM iyo Dowlada

0

Fagaare ku yaalla goob aan la sheegin oo ka tirsan gobolka Sh/hoose waxaa galinkii dambe ee shalay lagu toogtay labo ruux oo lagu eedeeyey iney la shaqeynayeen ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda federaalka. Al-shabaab ayaa sheegtay iney ciidankeeda soo qabteen labada nin ee la toogtay oo midkood ay sheegeen inuu difaacyada rasaasta looga gabado u qodi jiray ciidamada AMISOM. Saraakiil katirsan xarakada Al-shabaab ayaa sheegay iney gacan bir ah ku qaban doonaan dhamaan dadka lagu helo iyagoo wadashaqeyn laleh dowladda Federaalka iyo ciidamada AMISOM. Labada nin ee la toogtay ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Cabdi Eeney Deerow oo 33 jir kaasoo lagu eedeeyey inuu AMISOM u qaabilsanaa qodista difaacyada iyo Asad Mayow Xaaji Cismaan oo 20 jir ah oo isna shabaabku ku eedeeyeen inuu ka tirsanaa Nabad-sugida dowlada federaalka.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here