Shacab careysan oo ishortaagay kolonyo AMISOM ah oo oday waayeel ku jiiray isgoyska Km4

0

Dadweyne ka careysan ciidamo ka tirsan AMISOM oo mid ka mida gaari ay wateen oday waayeel ah ku jiiray aargada isgoyska Km4 ayaa hor istaagay baabuurtii ciidamada AMISOM. Arrintan oo maanta ka dhacday Isgoyska caanka ah ee KM4, waxay dadkaasi ka caroodeen gaariga AMISOM oo markii uu jiiray nin waayeel ah isku dayay inuu isaga dhaqaaqo, waxaana gaariga AMISOM oo ahaa mid qafilan isku hor gudbay dadweyne shacab ah oo geesinimo dheeraad ah muujiyay iyagoo is haysta gacmaha. Ninka waayeelka ah ee ay jiireen AMISOM ayaa dhaawac culus soo gaaray waxaana la sheegay in mid ka mida labadiisa lugood ay burburtay. Dadweyne farabadan ayaa soo buuxiyay isgoyska KM4 ee shilku ka dhacay, waxayna u diideen gaariga AMISOM inuu dhaqaaqo iyagoo hortiisa dhoobtay. Waxaa kaloo la yaab lahayd in ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka oo goobta soo gaaray ay la safteen dadkii shacabka ahaa, waxaana Kolonyadii AMISOM lagu qasbay inay qaadeen ninkii ay dhawaceen, taasoo keentay in ciidamadii AMISOM ay ku qasbanaadeen inay qaadaan.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here