Shacabka Somaliland oo u muuqda inay tilmaansadeen hogaamiyahooda Mustaqbalka

0

Mudo sanad ka yar ayaa waxaa maalinba maalinta ka dambeysa isbedel xoog lihii uu ku imanayey siyaasada Somaliland oo la filayo in ay doorashooyinka Baarlamaanka iyo Madaxtooyadu ka dhacaan sanadka 2017. Xisbiga Waddani oo ah xisbiga sadexda xisbi ee siyaasada Somaliland ugu da’da yar ayaa mudo yar isugu bedelay xisbiga ugu taageerada balaadhan. Waxaa bilowday qulqulka dadweynaha oo si isdabajoog ah ugu digaroganaya WADDANI, dadka ayaa waxay ugu biirayeen, kooxkoox, qabiil qabiil iyo shaqsi shacsi. Xisbigu wuxuu si degdega Xafiisyadiisa iyo wakiiladiisa ugu fidiyey dhamaan Gobolada Somaliland Barri ilaa Galbeed. Hadalhaynta ugu badan ee siyaasiyiinta Somaliland ku sheekaystaan ayaa ah hebel ama koox hebla waxay ku biirtay ama ku biiraysaa Xisbiga Waddani, waxaana la filayaa in siyaasiyiinta Somaliland badankoodu ay isugu biyo shubtaan. Safarkii ugu dambeeyey ee Gobolka Togdheer ay ku tageen Masuuliyiinta Xisbiyada ayaa ahaa mid si weyn looga daalacanayey taageerada shacabka Togdheer u hayaan Gudoomiye Cirro iyo WADDANI. Marka laysu wada geeyo isbedeladii iyo dhaqdhaqaaqyadii ugu dambeeyey ee siyaasada Somaliland, waxaa kuu soo baxaysa in shacabka iyo siyaasiyiinta Somaliland ay tilmaansadeen hogaamiyahoodii mustaqbal 2017 oo la saadaalinayo inuu noqdo Gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro iyo WADDANI. Dadka iyo siyaasiyiinta badankooda ayaa aaminsan in duruufaha siyaasadeed iyo dhaqaale ee iminka Somaliland ka taagan uu siyaasiga wax ka bedeli karaa ama bulshada isku wadi karaa uu yahay Cabdiraxmaan Cirro. Sikastaba hayska ahaatee haddii ay taageerada iyo udigarogashada shacabku Waddani u hayaan ay sidaan ku sii socoto, waxaan shaki ku jirin ama la saadaalin karaa, in hogaamiyaha Mustaqbalka ee Somaliland uu noqon doono Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI. Xigasho xaysimo.com ]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here