Shacabka Sool iyo Sanaag oo kalsoonidii kala noqday Cali Khaliif iyo Isimadii soo jireenka oo diiday la kulankiisa

0

Guud ahaan shacabka Sool iyo Sanaag Barri ayaa lumiyey kalsoonidii ay u hayeen kooxda xuduudka dhuumaaleysata ee uu hogaamiyo Cali khaliif Galaydh. Degaanadan ayaa fahmay qaska iyo fidmooyinka uu la wareegayo, sidoo kale dareemay inay kala duwan yihiin waxa uu afka kaga hadlayo iyo waxa uurka ku haysto ama ficiladda uu ku kacayo. Goboladda Sool iyo Sanaag waxaa ka bilowday wadatashiyo ay kaga arinsanayaan sidii ay meel uga soo wada jeesan lahaayeen sheegashada maamul aan loo dhameyn ee uu bac-madowda ku sito Cali Khaliif oo hada gaaray heer aan loo dulqaadan karin. Dhanka kale Isimada soo jireenka ee Goboladda Sool iyo Sanaag ayaa diiday oo iska fogeeyey inay la kulmaan kooxdan qar-wareega ah ee sheeganaysa Magaca Khaatumo. Isimada soo jireenka ee goboladan ee qaadacay la kulanka Cali Khaliif ayaa kala ah: Garaad Saleebaan Garaad Maxamed Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil. Ugaas Cabdulaahi Ciise Nuur. Isimada oo ah kuwa ugu dal iyo degaanka balaarani kama qaybgelin is mgacowgii Cali iyo shirkii ugu dambeeyey ee Balicad oo uu qoys hoose kula shiray. Ugu dambeyn shacabka Goboladda Sool iyo Sanaag ayaa waxay digniin u dirayaa cidkasta oo Cali Khaliif u aqoonsata inuu wakiil ka yahay Goboladan, iyagoo si gaar ah ugu digay Maamulka Somaliland oo ay xukuumada sii liicaysaa doonayso inay lib ka dhigato la heshiinta qof aan haysan taageerada degaankiisii oo Muqdisho ka soo caaryey. Isku soo wada duuboo, haddii Xukuumadda Somaliland ay wadahadal la gasho Cali iyo kooxdiisa waxaa Goboladda Sool iyo Sanaag kaga bilaaban doono colaad iyo qas saameyn weyn ku yeesha mandaqada oo aan noqon doonin sida kooxdan xuduudka wareegaysa.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here