Shaqada madaxweynaha Somalia maxay tahay? (Xog-warran)

0

In Madaxweyne Xasan Sheikh uu adeegsado awoodi uu lahaa Raisul Wasaaraha waxaa u sabab ah jahliga heysta dadka loo magacaabayo jagada R/W oo u heysta inay awoodi fulinta uga dambeeyaan Madaxweynaha. Inti soo qabatay xilka Raisul Wasaare burbuirki kaddib midkoodna ma garan awooda fulinta inuu isagu leeyahay haddii laga reebo Nuur Cadde… markaasey waxay u daba fadhiisteen Madaxweynaha oo noqday boqor aan amarkiisa la diidi karin. Waa ayaan darro heysata dalka oo dhan in lagu eedeeyo Madaxweyne Xasan Sheikh inuu boobay hatidi qaranka oo xataa qofki ugu sareeyay awooda xukuumadda Cumar Cabdirashiid uu Madaxweynaha ku eedeeyo inuusan waxba qaban..waa qof shaqadi iyada loo dhiibay markey garan weysay oo gudan weysay qof kale ku eedeysay fashilkiisi. Mar hore ayaan sheegay in Cumar C/rashiid uu yahay Maqane Jooga oon waxba kala socon waxa dalka ka dhacaaaya. Waxaa ayaan darro kale ah in Sheikh Shariif oo ah nin caalim ah oo Madaxweyne soo noqday uu ku eedeynayo in M/wweyne Xasan Sheikh uu boobay hantidi qaranka!!! War aaway wasaaridhii arrimahaa u xilsaarnaa? Aaway heyaddi Hanti Dhowrka? Mase M/weyne Xasan Sheikh waa nin qandi weyn sita oo wax alla wixii dalka soo gala oo deeqo iyo canshuuro ah qndigiisa ku shubta oo qofkuu doono siiyo kii kalena u diido..Qofka sidaa u hadlaaya waa shakhsi ka sooman oo aan weli garan habka hantida dowladda loo maareeyo oo haddana weli hami uga jiro injuu Madaweyne noqdo mar kale!!! Waxaa jirta xikmad carabi ah oo dadka u qeybisay AFAR :- واحد يعلم ولا يعلم أنه يغلم فنبهوه واحد لايعلم ويعلم أنه لايعلم فعلموه واحد يعلم ويعلم أنه يعلم فأحذرو واجد لايعلم ولايعلم أنه لا يعلم فأجتنبو Annaga waxaan u badanahay midka afaraad oo ah qof baan waxba aqaanin oon ogeyn inuu jaahil yahay oo isu heysta inuu wax ogyahay, waana kan ugu khatarsan oo la yiri ka fogaada…kuwa la yiri ka fogaada ayaa u baratamaaya inay dalkaan majaraha u qabtaan oo ay bohol naga tuuraan…kuma jiro mid yaqaanna shaqada Madaxweynaha oo ah jago aan shaqo ku lahayn holwhaha fulinta waana sababta keentay inay Somali oo dhan raadiso inay Madaxweyne noqoto. Bal fiiri yaa ka taliya Itoobiya ama Talyaaniga ama Yahuuda..waa Raiisul Wasaare…laakin waxaan rabnaa kulligeen inan noqono Madaxweyne oo howsha uu u xilsaaran yahay naga hoos baxday. Qofka caqliyadiisu intaa la egtahay hadduu Madaxweyne noqdo xataa maxaa laga filan karaa? Waxaa nahay dad aan naftooda kalsooni ku qabin oo mar kasta raadiya qof sareysa oo u amarka iyo talada ka qaato mar kastana la eedeeyo!!! Ololihi murashaxiinti wuxuu naqday waxaas ayaan qabanaa, waxaas ayaan fulinaa..meesha laguuma geyn inaad wax fuliso amaad wax qabato ee dheh waxan soo magacaabi doonaa qof yaqaanna shaqada laga rabo oon ka meermeerin. Waxaa jira hal-ku-dheg dhahaaya AQOON YARIDU WAA KHATAR. ( little knowledge is very dangerous) Waana tan na heysata!!! W/Q: Axmad Calasow Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Goojacade.com. Goojacade.com, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada Goojacadewebsite@gmail.com]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here