Shariif Xasan oo ka badbaaday weerar ismiidaamin ah oo lagula eegtay deegaanka Carbiska

0

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa weerar ismiidaamin ah lagula eegtay galabta deegaanka Carbiska ee gobolka Shabeelaha Hoose. Wafdiga Shariif Xasan ayaa ka yimid munaasabad xilka looga qaadayay guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose C/qaadir Maxamed Nuur Siidii oo ka dhacday degmada Afgooye, waxaana jagadaasi loo magacaabay nin lagu magacaabo Ibraahim Aadan Cali. Wararka ayaa sheegaya in madaxweynaha Koonfur Galbeed uu ka bad-baaday weerarkaasi, balse ay khasaarooyin kala duwan ka soo gaareen xubnihii la socday ee kolanyadiisa aheyd. Wali ma jiraan cid masuuliyadda weerarkaasi geysatay, balse waxaa loo badinayaa kooxda Al-Shabaab oo dagaal kala dhexeeyo dowladda.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here