Shir Balicad oo dhicisoobaya iyo Bakhti afuuf ay wadaan taageerayaasha Cali Khaliif

0

Warar xogogaal ah oo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in shirkii ay degaanka Balicad ku lahayaayeen Cali Khaliif Galaydh iyo Garaadkiisu uu noqday mid saqiiraya oo koox yar muraad gaar ah ka lihi isugu soo hareen, iyadoo inta badan ay fashilmeen danihii iyo ujeedooyinkii laga lahaa ee loo qabsaday. Waxaa ilaa shalay la Bakhti afuufayey koox ka soo jeeda Beesha Ugaadhyahan oo fara ku tiris ah oo Cali Goleyaashiisa ku buuxsaday kadib markii ay beeshu si weyn uga soo horjeesatay shir doceedkii Degaanka Saaxdheer ee Cali Khaliif sanad ka hor iskaga Caano shubay. Warar ka soo duulay taageerayaasha Cali Khaliif ku ag dhowdhow ayaa sheegaya in kooxdii Ugaadhyahan ee saxaafada ka hadashay ay mucaaradnimadoodu ka dhalatay cadho Hunguri, iyagoo balanqaaday in saacadaha soo socda la dhameyn doono tabashadooda, Saxaafadana la soo hor fadhiisin doono, iyagoo faraxsan oo beeninaya waxyaalihii ay ku hadleen. Si kastaba hayska ahaatee, inkastoo shacabka Goboladda Sool Sanaag iyo Cayn ay lumiyeen kalsoonidii iyo rajadii ay ka qabeen Cali Khaliif oo aanu wax taageero ah ka haysan, iyadoo la wada ogsoonyahay in ay genafka ku dhufteen Isimadii soo jireen ahaa iyo shacabka Beesha Maxamuud Garaad, hadana waxaa hubaal ah in Cali Khaliif iyo Garaadkiisu soo saari doonaan qodobo ay dan gaar ah ka leeyihiiin oo ay u arkaan inay anfici doonaan 2016, taas oo noqonaysay talaabo kale oo ay ku sii kala fogaynayaan shacabka SSC, waxbana aan u anfacay. Dhowr casho ee fooda inagu soo haya shacabka SSC waxaa hor imaan doonta warqada uu Cali soo qortay oo lagu sheegi doono goaamaddii shirkii Balicad.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here