Shirka Arimaha siyaasada Soomaaliya oo Turkiga ka furmay

0

Waxaa goordhow magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ka furmay shirka arimaha siyaasada Soomaaliya looga hadlayo, kaasi oo ay ka qeyb galayaan madaxda dowlada Soomaaliya iyo hogaanka maamul goboleedyada dalka. Shirkaasi waxaa si rasmi ah u furay madaxweynaha dalka Turkiga Mr Erdogan, madaxweynaha Soomaaliya iyo k xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay. Shirka waxaa sidoo kale ku sugan wadamada daneeya arimaha Soomaaliya iyo wakiilo ka socdo beesha caalamka, waxaana diirada lagu saarayaa amaanka iyo siyaasada dalka Soomaaliya. Shirka waxaa sidoo kale goob joog ka ah wakiilo ka socdo wadamada daneeyo arimaha Soomaaliya iyo xubno matalaya ururada caalamiga ee ka dhisan caalamka. Inta badan shirka waxaa diirada lagu saarayaa siyaasada Soomaaliya oo ay ugu horeyso doorashada dhamaadka sanadkaan ka dhaceyso dalka Soomaaliya. Shirka waxaa si wadajir ah u qaban qaabiyay dowlada Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, waxaana qaramada midoobay uga qeyb galaya ku xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here