Shirkada HASS PETROLEUM oo lagu eedeeyey shirqool loo dhigay Garaad Saleebaan

0

Warar dheeraada ayaa ka soo baxaya shirqool fashilmay oo lala damacsanaa Garaadka Guud ee Gobolada Sool iyo Sanaag Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo hada Magaalada Muqdisho xaalado caafimaad ugu ku sugan. Warar ugu dambeeyey ayaa xaqiijinaya in shirqoolkan ay iska kaashadeen Kooxda Cali Khaliif iyo Shirkada HASS PETROLEUM oo lagu sheegayo inay tahay isha dhaqaale kooxda Cali Khaliif Galaydh hogaamiyo. Sida ay cadeeyeen dadkii goobta fadhiyey Wakiilka Shirkada HASS PETROLEUM ee Magaalada Muqdisho CABDIQANI YUUSUF GACAMEY (KHURISHOOF) oo ka mid ahaan dadkii xaflada Shirqoolka soo abaabulay ayaa markii ay fashilantay muamaradii Garaadka lala damacsanaa afka furtay, isagoo goobta kaga hadlay hadalo habaar, muusanow iyo aflagaado isugu jira. Falka Wakiilka Shirkada HASS PETROLEUM ku kacay ayaa kaga yaabiyey inta badan dadkii goobta joogay, taas oo sababtay inuu shirqoolku soo shaac baxo, kadib markii ay ka soo duulduuleen hadalo daahfuray shirqoolka. Magaalada Xamar ayey caadi ka tahay in qof lagu dilo oo aan hadana la helin cidii ka dambeysay, waxaana eeda la saaraa URURKA AlShabaab, taas oo aan run ahayn ee ay jiraan dad si gaar ah dad kale u bartilmaadeedsada oo dhaqaale ku bixiya qofkii ay doonaan dilkiisa. Dilalka qorsheysan ayaa lagu tiriyaa inay soo abaabulaan Shirkada Burburka ku sameysmay ee dhiig miiradka ku noqday shacabka danyarta ah. Shirkadda HASS PETROLEUM waxay ka mid tahay shirkadaha mudadii burburka geeska Afrika ka sameysmay ee ku naaxay dhaqaale aan lahay dawlad kala xisaabtanta iyo cid dabagasho oo dib u eegta tacadiyada iyo gabood falyada ay dadka iyo degaanka u geystaan. HASS PETROLEUM waxay qandaraas ku haysata Shidaalka Somaliland, waxayna si gaar ah u naas nuujisaa xubno awood sare ku leh xukuumada Siilaanyo, Muqidho iyo Geeska Afrikaba. Horey Magaalada Muqdisho waxaa loogu dilay Xildhibaan ka tirsanaan jiray Baarlamaanka Puntland oo la odhan jiray Aadan Yare kaas oo ahaa nin had iyo jeer si weyn uga soo horjeedi jiray fekradaha khaldan ee Cali Khaliif Galaydh. Ilaa hada cid sheegatay dilkii Aadan Yare ma jirto, waxaana mugdi ku jiraa in dilkii Xildhibaan Aadan ay ka dambeeyeen dad war hooye u hayey, oo la socday waqtiga uu Muqdisho soo galay. Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo ah Garaad ugu dadka iyo degaanka balaadhan ayaa ka soo horjeestay in koox yar oo faro ku tiris ah, ay degaamadiisa fitmo iyo dhibaato ka abuuraan, taas oo keentay inay u qaadaan ciilqab gaaray heer isku day shirqool. Si kastaba hayska ahaatee waxaa weli socda baadhista Shirqool la cadeynayo inay iska kaashadeen Cali Khaliif Galaydh iyo Shirkada HASS PETROLEUM, wixii ka soo kordhana gadaal ayaan idiinka soo sheegi doonaa.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here