Shirkii golayaasha Khaatumo oo Beri Balicad ka furmaya iyo Qaar ka mid ah Madax-dhaqameedka oo halkaas gaadhay

0

Magaalada Balicad Waxaa Lagu Wadaa inuu Maalinta Barito ah ka Furmo Shirkii Golayaasha Kala Duwan ee Maamulka Khaatumo Shirkaasi oo Markii Hore u gaar ahaa Maamulka Khaatumo Balse Waxaa Haatan Ku Biiray Golaha Sare ee Dhaqanka Khaatumo. Golaha Sare ee Dhaqanka Khaatumo inta Ku sugan Magaalada Buuhoodle Ayaa Lagu Wadaa inay Maalinta Barito ah gaadhaan Magaalada Balicad Halkaasi oo Shirka Saddexda Gale uu ka Furmi Doona deegaankaasi Balicad oo haatan la Ciir Ciiraysa Ergooyin kala Duwan oo deegaankaasi ku sugan. Shirkani Ayaa lagu Wadaa inuu soo Xidhmo Maalinta Isniinta ah Waxaana Laga soo saari Doonaa Go,aamo Waxana haatani Shirkani uu Noqday Kii ugu Balaadhnaa ee Deegaankaasi ka dhaca Kadib aas aaskii Maamulka Khaatumo ee haatan Madaxwayne Cali Khaliif Hogaaminayo. Qaarkamid ah Golaha Sare ee Dhaqanka oo Haatan Ku sugan Buuhoodle Ayaa ku sii Jeeda Deegaanka Balicad oo Bari ay kaga Qayb Gali Doonaa shirkaasi Labada Gole]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here