Shirkii Maamulka Banaadir iyo Gud. degmooyinka oo loo bedelay Habeenkii+Sabaabta.

0

April 28 (Goojacade.com)— Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa shir guddoomiyay shirkii labaad oo xilli habeen ay yeeshaan Maamulka Gobolka Banaadir iyo Guddoomiyeyaasha degmooyinka, kaasoo xalay ka dhacay xarunta Aqalka dowladda Hoose. Shirka ayaa looga hadlay xoojinta amniga ka hortaga musuq-maasuqa, la xisaabtan maamulada Degmooyinka, Nadaafada, gar gaarka dadka ay Abaaruhu saameeyen ee kusoo Barakacay Magaalada Muqdisho. Waxaa shirka ka qeyb galay Guddoomiye kuxigeenada cusub ee Gobolka Banaadir iyo Xoghayaha Guud. Shirka ayaa lagu soo bandhigay warbixino la xiriira xaalada gobolka iyo qorshayaasha uu hiigsanayo Maamulka. Waa shirkii labaad oo habeen dhaca oo ay isugu yimaadaan Maamulka Gobolka Banaadir iyo Guddoomiyeyaasha degmooyinka. Todobaadkii hore ayay aheyd shirkii u horeeyay ee ay yeeshaan Maamulka cusub iyo Guddoomiyeyaasha degmooyinka oo ka dhacay degmada Huriwaa. Goojacade.com Muqdisho-Somalia Email:-Goojacadewebsite@gmail.com
]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here