Shirkii wadahadalka Khaatumo iyo Somaliland oo 10 casho dib loo dhigay

0

Warar lagu kalsoon yahay oo aanu ka helayno ilo ku dhowdhow Maamulka Khaatumo ayaa sheegaya in shirkii wadahadalka ee Khaatumo iyo Somaliland mudo 10 casho ah dib loo dhigay. Mudada cusub ayaa ku beegan 27 bishan. Sababaha wadahadalka dib loogu dhigay ayaa lagu sheegay wadatashi dheeraad ah oo ay Maamulka Khaatumo la sameyn doonaan degaanadooda, sidoo kale xaalada adag ee abaareed ee degaamada ku hamsatay. Wararku waxay intaas ku darayaan in Madaxweynaha Khaatumo uu dhowaan tegi doono magaalada Buuhoodle.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here