Shirkii wadatashiga doorashada 2016-ka oo maanta Muqdisho ka furmaya

0

Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Muqdisho uu ka furmo Shirweynaha wadatashiga Qaran ee doorashada sanadka 2016-ka lagu wado iney dalka ka dhacdo ka dib marka uu dhamaado xiligii afarta sano aheyd ee madaxda dowladu ay dalka maamulayeen. Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galaya xubno boqol gaaraya oo ka kala socda dowlada federaalka, madaxda maamul goboleedyada dalka, ururada bulshada rayidka ah iyo wakiilada beesha caalamka u fadhiya Somalia oo shirkan goob joogayaal ka noqonaya. Wasiirka warfaafinta Somalia Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in shirkan uu qeyb ka yahay shirar isdaba joog ah oo looga tashanayo qaabka loo dooranayo madaxda dowlada soo socota iyo nooca ay noqoneysa doorashada dhaceysa dabayaaqada sanadka dambe. Shirkan oo ah kii labaad ee looga tashanayo hiigsiga sanadka 2016-ka ayaa ka dambeeyey markii dhowaan dowlada Soomaaliya ay rasmi ah u shaacisay in sanadka soo socda aysan dalka ka dhici karin doorasho madax banaan oo cod iyo qof ah. Amaanka magaalada Muqdisho ayaa la xoojiyey, iyadoo wadooyinka qaar la xiray shalay ka dib markii la soo dhigay ciidamo amaanka ilaalinaya oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here