Shirkii wadatashiga doorashooyinka Soomaaliya oo mar kale dib u dhacay

0

Shirka Wadatashiga Doorashooyinka 2016-ka ee maanta lagu waday inuu ka furmo Kismaayo ayaa mar kale baaqday. Waxaana la filayaa in Madaxdu ay maanta yeelan doonaan kulamo horu-dhac u ah shirka, isla markaana uu shirku si rasmi ah u furmi doono maalinta berito oo Khamiis ah hadduu EEBE idmo. Madaxda Dawlada Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda dawladaha xubnaha ka ah ayaa ku kala aragti duwan nooca doorasho ee dalka ka dhici karta sanadka 2016-ka, xilli Soomaaliya ay isu diyaarinayso inay doorasho ka dhacdo bilaha soo socda.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here