SHIRKII WADATASHIGA FEDERALKA IYO M GOBOLEEDYADA OO GAROOWE KA FURMAY

0

Shirka wada-tashiga ee madaxda dawladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa dawladdaha xubanaha ka ah Federaalka ayaa daqiiqado ka hor ka furay xarunta Madaxtooyada Puntland ee Garowe.

Shirka waxaa furay madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana qayb ka ahaa, Ra’iisul Wasaare Kheyre, madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug, Hirshabeelle iyo duqa Muqdisho.

Shirkan oo ay martigelisey Puntland ayaa gundhigiisu yahay wadatashiga dowladda Fadaraalka Soomaaliya iyo dowladdaha xubnaha ka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here