Shirtag iyo Cali Khaliif oo sidii Xaawo iyo Adam midna Holhol ka dhacay midna Balicad (dhegayso shirtag)

0

Cali Khaliif iyo Yuusuf Shirtag oo labaduba ka mid ah kooxdii burburtay ee Saaxdheer, ayaa sidii markii Xaawo iyo Adam Janadda laga soo saaray midna Barri ka dhacay midna Galbeed. Shirtag wuxuu ka dhacay Barri wuxuu ku sugan yahay degaanka Holhol wuxuuna u socdaa wacyi gelin, halka Cali Khaliif uu xuduudka Ethiopia iyo degaanka Balicad waraaqo iyo gudiyo ku sameysanayo. Shirtag wuxuu ku doodayaa layma eryin oo sharci baan ahay, isagoo sheegaya qodobo uu ku doodayo in aan lagu eryi karin, wuxuuna warkii ugu dambeeyey ku sheegayaa inuu indho indhayn u yimid. Odaygii Cali ayaa isna waraaqihiisii iyo gudiyadiisii dhameystirtay, waxaana ka dhiman shuruud lagu xiray wadahadalka lala gelayo oo ah inuu Dhulbahante dhamaansho ku keeno, wuxuuna raajicinayaa in Garaad Guud ee Maxamuud Barri Garaad Saleebaan Garaad Maaxamed qoraal looga keeno. Si kastaba hayska ahaatee Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “HAL BOOLI AHI NIRIG XALAALA MA DHASHO” haddii Cali iyo Shirtag heshiiyaan iyo haday kala tagaanba awelba koox fidmo weleyaal ah bay ahaayeen, cid iyo degaan ay meteleena ma jirin. Waxaase wax lagu qoslo ah in Ina Shirtag oo markuu shalay Cali isku dhedhejianayey waxba qaban waayey maanta reer Holholeed indho indhay iyo wacyigelin ma ugama baahan yihiin. Daawo Shirtag https://youtu.be/0f98oIAN9QM]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here