SHUBAN-BIYOODKA: XAGLO OO DADAALAY IYO XUSEEN OO AAN IS XILQAAMIN[ISBAR-BARDHIG QIIMEYSAN]

0

Labadii bilood ee ugu dambeeyey waxaa degaamada Somaliland ku rafanayey xanuunka Shuban-Biyoodka oo ku soo huladay Abaartii baahsanayd ee dalka ka dhacday. Xanuunkan waxyaaha dhaliya waxaa ugu horeeya Cabitaanka Biyaha wasakhaysan, wuxuu ka soo bilowday xuduudka Itoobiya, oo roobab yaryari ka da’een, halkaas oo dadbadan oo u hayaamay ay cabeen biyo Wasakhaysan oo bakhtigii xooluhu saameeyey baahiduna u geysay. Shuban-Biyoodku wuxuu ka mid ah cudurada faafa ee dilaaga noqda hadaan si dhakhso ah loo daaweyn oo loogaga hawlgelin, waxaana lagula dagaalamaa dhowr taloobo oo si deg deg ah loo qaado oo ay ka mid yihiin Ishii xanuunku ka dhalanayey oo la joojiyo sida Biyaha Wasakhda ah, xanuunkii oo la daaweeyo faafistiisana la xakameeyo sida qofkii shubmayey oo lagu daaweeyo meel gaar ah oo dadka lagu sii dhex deynin. Marka la eego Nidaanka Somaliland nadiifinta iyo sifaynta biyaha waxaa leh Wasaarada Khayraadka Biyaha oo ay bakaarada uga buuxaan dawooyinka biyaha lagu nadiifiyo sida koloriinta, halka daaweynta iyo xakameynta faafida xanuunkana ay tahay masuuliyada Wasaarada Caafimaadka. MAXAA LOO BAAHNAA MARKII WARKA LA HELAY? Wasaarada Khayraadka Biyaha: Markii warka lasoo sheegay waxaa loo baahnaa in Wasiirka Biyuhu uu fahmo khatarta iyo muhiimada uu leeyahay ha hortaga xanuunkani, waxay ahayd inuu Shir deg deg ah isugu yeedho hawlwadeena iyo xirfadleyaasha biyaha, si loo dejiyo qorshe meelkasta oo Biyo Wasakhaysani galeen 7 casho lagu nadiifiyo oo Baraagaha iyo Baliyada lagu shubo Koloriin iwm. Si loo joojiyo isha xanuunku ka dhalanayo, sidoo kale uu warka Madaxtooyada gaadhsiiyo, dalbadona qarashyada lama huraanka ah, guud ahaan wasaaraduna heegan gasho oo cududeeda iyo caqligeeda isugu geyso nadiifinta biyaha. Diyaargarowgaas iyo hawlgalkaas sidii loo baahnaa uma dhicin, tirada kooxihii loo baahna lama hawlgelin, waxaana loo hawlgalay si cagojiid, taas oo keentay in maalin walba degaan cusub uu xanuunku ka dilaaco. Waxaana muuqatay inaan Wasiirku muhiimadii ay lahayd xanuunkan aanu siinin. MUXUU WASIIRKU MUHIIMADA SAARAY MUDADII SHUBANKU SOCDAY: Waxaan raadinay inaan ogaano hawlaha ka muhiimsan in nafta dadka la badbaadiyo oo laga hortago Shubanka ee Wasiirku kaga mashquulay, waxaana noo soo baxday; 1. in Wasiirku afartii maalmood ee Apriil ugu dambeeyey uu ku mashquulsanaa abaabulka soodhoweyn aan ujeedadeeda la fahmin oo loo sameeyey Wasiirka Arimaha Gudaha oo dano u gaar ah London u tegay, xili dhiig ka qubanayey Beelaha Walaalaha ah ee Koonfurta Sool ku dagaalamayey. DAAWO SOO DHOWEYNTII: 2. In Wasiirku 10 casho ee Apriil ugu dambeeyey uu ku foognaa olole qabyaaladaysan xiniiftan hoosena ku fadhiya oo loogu jiray Kursiga Gudoomiyaha Baarlamaanka oo aan weli banaanaan, taasoo aakhirkiina kaliftay in Madaxweyne Siilaanyo nimankii waday ee uu kamid ahaa amro inay shaqooyinkoodii ku ekaadaan. DAAWO SOO DHOWEYNTII IYO XAFLADIHII: 3. Labadii bilood ee ugu dambeeyey Wasiirku wuxuu ku sii jeeday siduu Biyaha Gobolka Sool ugu Wareejin lahaa koox uu ku tilmaamay Ganacsato, arintaas oo shacabkii aad uga gedooday, iyadoo ay soo baxayso in Madaxweyne Siilaanyo soo dhexgalay oo hakiyey. 4. Ilaa bilowgii bishan May Wasiirku waxaa jiif iyo joogba u diiday siduu biyaha Berbera gacanta ugu dhigi lahaa, iyadoo lagu xamanayo inuu doonayo inuu iyagana Ganacsato siiyo, mudooyinkii dambe wasiirka iyo madaxda kale Wasaaradu waxay isu daba marayeen Magaalada Berbera oo la yiraahdo, (masuulkii caleentiisu cadaato waxaa loo nuuriyaa lacagta Berbera). Arimahan oo dhami waxay kala cuslaadeen badbaadintii nafta dadka iyo gurmadkaii degdega ahaa ee waqtigii ku haboona. Wasaarada Caafimaadka. Dhanka kale waxaan qiimeynay dadaalkii Wasaarada Caafimaadka, waxaan soo qaadanay meelihii ugu daraa sida Buuhoodle, Farjano, hawdka Burco, widhwidh. Waxaan eegnay gaadhsiin Daawada iyo Hawlwadeena Caafimaadka iyo mudada ay ku gaadhayeen degaamada xanuunku ka jiro, isku xidhnaanta iyo diyaargarowga. Tixgelinta xanuunka iyo waqtiyada ay shaqaynayaan, taasoo ay noo cadaatay inay heegan buuxa ku jiraan kadib markaan ogaanay inay 18 May oo maalin fasax ka ah Somaliland ay daawo berbera uga soo degtay dalbadeen in khasab lagu siiyo, taasoo kaliftay in Agaasimaha Guud uu goobtii isa sii taago, xili masuuliyiinta hayadaha kale xafladeynayeen. Dhinac kasta oo laga fiiriyo waxaa kuu muuqanaysa in Wasiirka Caafimaadka Saleebaan Xaglotoosiye uu muujiyey dadaal dheeraad ah oo waqtigiisii ku haboon, halka Xuseen Cabdi Boos aanu dhameystirin Is xilqaankii looga baahna, ee uu ka door biday soo dhoweynaha iyo ololaha xafiiltanka hoose ku fadhiya ama biyo wareejinta. IN LA ABAALMARIYO QOFKII DADAALA AMA ISXILQAAMI WAAYAA WAA SIFAHA DAWLADNIMO.
Xigaasho:Shabakada Wararka Ee Xaysimo.com Goojacade.com Hargeysa-Somaliland Email:-Goojacadewebsite@gmail.com]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here