Sicir Bararka ka jira Puntland muxuu kaga duwan yahay heerka maciishada gobolada kale ee Soomaaliya

0

Xiriirka ganacsig ee ka dhexeeya Gobollada dalku waxay tusaale u yihiin kala duwaanshaha heerka sarufja kacagta qalaad ee dalka lagaga dhaqmo.

Waxaa la og yahay in heerka sarifka dollarku uu marayo halkii dollar 30kun oo shilin Somali ah taasoo astaan u ah in sicir barar ka jiro Puntland oo aad u sareeyo.

Sarifka dollarku wuxuu markii la doortay C/weli Gaas halkii dollar 21 kun oo shilin Somali ah, haddana wuxuu marayaa 30. MAXAA SABAB U AH ARRINTAAS? Waxaa loo aanaynayaa dhowr arrimood oo loo baahan yahay in la is xusuusiyo:- Xoolihii la dhoofin jiray ii aad u yaraaday abaaraha dalka ku habsaday dartood iyo xoolo dhoofintii dalalka qaybtood (Sucuudiga iyo Imaraadka) labada oo hakad gashay kuwaasoo laf dhabar u ah lacag tii adkay oo laga heli jiray xoola dhoofinta oo yaraatay. Wax dhoofinta dalka oo aan dabooli karin baahiyaha adeegyada dalku u baahan yahay oo wax walba dibedda laga keeno iyadoo dollar ah. Marka si qoto dheer loo qiimeeyo sici bararka saameeyay quutul daruuriga bulshada waxaa muuqanaysa in dhibaatada xoogeedu ay ku dhacayso bulshada inteeda danyarta ah. Lcagaha dumarka qudaarta ka dirsada Beledweyne halkii dollar Bosaso waxay ku sariftaan 30, halkaasna (beledweyne) waxaa loo xisaaba halkii dollar 24 kun shilin Somalia (Taasoo sabab u noqotay in qiimihii khudaartu uu 10 jibaarmo, shacabkiina awood u waayo inuu gato. Badeecoooyinka dollarka lagu soo iibsho oo Bosaso la keeno, lacag Somali laga keeno Gobollada dalka la ganacsada Puntland shilin somali ayaa la keensadaa taaso culays ku ah sarifka dollar iyo isbedelkiisaba. Dowladda Puntland oo daabacday lacag shilin somalia ah oo suuqa buuxisay Kontorol la’aan, sicir bararkana sabab u ah. Bangiga dowladda Puntland oo aan awood loo siin inuu xakameeyo ama kontoroolo dhaqaalaha dalka ( in& out), sidaa Somaliland oo kaleto amase adduunk aoo dhan. Waxaa looga baahan yahay dowladda Puntland inay dejiso siyaasad dhaqaalaha dalka loogu jiheynayo horumarkiisa. Ma aha inay weli Puntland ku sii jirto qaabkii jabhadaynta maamulka oo ku salaysnaa Qorshe Xumo iyo Straatijiyad dhaqaale la’aan. Waxaan soo jeedinaynaa in hay’adaha dhaqaalaha awoodooda kobcinta dhaqaalaha iyo kontaroolba loo gacan baneeyo.
Journalka :Kaaha Bari   Goojacade.com Garowe-Soomaaliya Email:-Goojacadewebsite@gmail.com]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here