Siilaanyo oo ku ceeboobay iibinta haamaha shidaalka

0

Silaanyo oo ku ceeboobay iibinta haamaha shidaalka oo shicabka iyo wakiiladu ka hor yimaadeen by Abdi Mustafe Madaxtooyada in aan caqli oolin waxaad ku garataa wixii golaha wakiiladu ka cadeeyeen ee shicibka Somaliland oo dhamina ku taageereen ayay dub uugu soo celiyeen golaha wakiilada. Madaxtooyada inta ka talisa miyaan qof qudha oo caqli caafimaad qaba lihi ku jirin, siday isu yidhaahdeen is hor taaga waxa bulshada iyo golaha wakiiladu isku raacsan yiin. Caqliga wadanka lagu hagaa waa kaa cidlada gaardiya-ya mana suur toobayso in Amina Weris iyo Zamzam ka xoog roonaadaan shicabka iyo golaha wakiilada ee ceeb uun bay dhaxleen. Haamo aan loo tartamin sidee dad gaara loogu wareejiyaa sow diktator nimo maaha. Weliba waxay sababi kartaa kacdoon shicib oo xukuumada wax yeela hadaanay dub uuga laaban qorsha xumaanta ay ku doonayaan inay haamaha cid gaara u xidhaan. Silaanyo iyo Amina Weris iyo Zamzam iyo Morgan waxay is hor taageen daad xaqli ku socda oo dhuftay oo meel uu dhigi aan la garanayn. Waxa Shicibka Somaliland u eeg inay dalbadaan in la xaqiijiyo in madaxweynuhu xilkiisa gudan karo oo la isku wada raacsanyay in aannu awood buuxda oo uu ku taliyo aannu lahayn ee dumar iyo caruuri xukunkii la wareegeen. ]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here