SIILAANYO OO LA FILAYO INUU LAASCAANOOD TAGO IYO UJEEDADA SOCDAALKIISA

0

UJEEDADA SOCDAALKIISA: Ujeedadiisa kowaad waxaa weeye inuu goobjoog ka noqdo Waraaqo aan degaamada SSC taageero ka haysan oo Cali Khaliif Galaydh Magaalada Caynabo lagaga saxeexayo, kuwaas oo noqon doona lugtii ugu dambeysay ee lagu tirtirayo Magacii Khaatumo State of Somalia, islamarkaana lagu daboolayo foolxumadii degaanka Kalshaale ka dhacday. Ujeedada labaad waa inuu Beesha Maxamuud Barri ku maaweeliyo heshiiskii Awrboogays idiinkama bixin ee waqti baan u waayey ee Musharaxa Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi baa fulin doonee u codeeya. Arintan oo lagu xanto in horey Muuse Biixi iyo Madaxtooyadu ugu heshiiyeen in codka degaamadaas iyaga loo daba fadhiisto, taasoo caado ahayd tan iyo intii Siilaanyo qabtay hogaanka Somaliland. Sikastaba hayska ahaatee labada ujeedo ee la sheegayo in Oday Axmed Siilaanyo Laascaanood u tegayo ayaa ah kuwo aanay soo dhoweynayn shacabka Goboladaas ku dhaqani, iyadoo siyaasiyiinta iyo waxgaradka badankoodu qabaan in Musharax Muuse Biixi Cabdi uu codka Reer Sool Weydiisto Siyaasiyiinta Hunguda ah ee Magaci Dadka degaankan ku Sariftay Caasimadda Maamulkaas. Gabagabaadi Dadweynaha Reer Sool ayaa ka fejigaan¬† Maawelada iyo Shirqoolka cusub ee dadka degaankan la raabo in quluubtooda lagu khaldo Taaso¬† ay ka Mid Tahay Xadhig ka Jaarista Goobo Weli Qabyo ah oo ay ka Mid Yihiin Cisbitaalka Magaalada Laascaanod,Garoonka Kubadda Cagta ee Cabdi Bille cabdi iyo Boardingka Weyn ee Magaaladaas oo dhamaantod weli Dhismahoodi aan la dhameystirin.  ]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here