Siyaasi Baashe Cali Jaamac oo Fariin kama Danbeys ah uu Diray Codeeyayasha Doorashada Somaliland Ee Ku Dhaqan Gobolka Sool

0

Siyaasi Baashe Cali Jaamac  Ayaa Sheegay in Sanaado Badan uu Waqtigiisa ku Luumiyey Tabagelinta  Barnaamij siyaasadeedka Ee xisbiga Kulmiye balse  ugu danbeyn Taashiyo Badan iyo Toganaan uu Sameeyey uu ogaaday in xisbiga Kulmiye uusan Dan iyo Midnimo Toona uu Hayn Umadda ku dhaqan Gobolada Bariga somaliland kana Doorbitay Dantiisa Gaarka Ta Guud ee umaddan uu u hayay. Siyaasi Baashe Cali Jaamac ayaa  Sidoo  Kale Sheegay  in  Xisbiga kulmiye Horumaarka  iyo waxtarka  uu sheeganayo  in ay Tahay  Wax ay xaq iyo xaquuq uu leeyihiin  Bulshadan yihiina Canshuur  Bixiyayaal  Sidoo kalena aysan Ka Aaradaneyn   Mashaaricyadi kumaankunka ahaa ee Magaca Dadkan iyo degaankan  lagu Qaatay Waxna aan loogu Qaaban Marka Laga Reebo Mashaaric Qabyo -ah oo aan Dhameystirneyn.   Ugu Danbeyn wuxuu Si Kal iyo Lab ah Fariin  Dheer ugu Diiray  Bulshada Reer Sool,Sanaag,xaysimo oo uu Sheegay  in ay Maanta haystaan Fursad ay ku Cilbaxaan Codkoodana ku Kasbadaan Karaamo iyo waxtar Kagana Baxaan Balanfuur iyo kala Tafaararuq.  ]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here