SIYAASIIN MUCAARAD AH OO SHIR UGA SOCONAYO NAIROBI

0

Wararka naga soo gaaraya magaalada Nairobi ee caasimada Kenya ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu shir uga soconayo xubno siyaasiin ah oo mucaarad ku ah dowlada Soomaaliya.

Shirkaasi ayaa waxaa goobjoog siyaasiin xilal kala duwan ka soo qabtay Soomaaliya xildhibaano labada gole ee Baarlamaanka katirsan.

Waxaa shirkaasi ku sugan Cabdiraxmaan CabdiShakuur higaamiyaha xibsiga Wadajir ,Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi faarax Siciid Juxa, Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble Cali, Taliyihii hore ee NISA C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyay Kenya Maxamed Cali Ameerika iyo Wasiirkii hore ee Waxbarashada Cabdinuur.

Siyaasiinta ayaa ka shiraya xaaladaha dalka Soonaaliya iyaga oo gaba gabada sshirkoodasoo saari doobo warsaxaafadeed ku saabsan waxa ay ka wada hadleen.

Sidoo kale magaalada Nairobi wwaxaaku sugan qaar kamid mmadaxdamaamul Goboleedyada dalka sida madaxweyne Dani Xaaf iyo Axmed Madoobe.


LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here