SOMALIA OO QARAMADA MIDOOBAY U GUDBISAY WARQAD AY KAGA CABANAYSO DOWLADDA KENYA

0
Ergada Dowladda Federaalka Somalia u fadhida QM, ayaa qoraal ashtako ah u gudbisay Golaha joogtada ah ee Qaramada Midoobay kaasooo ay ay ku beeniyeen sheegashada Dowladda Kenya ay sheeganayso inay Somalia xaraasheyso badda ay labada Dowladood ku muransan yihiin.

Qoraalka ayaa ku taariikheysnaa 05-ta bishan Maarso oo ku beegneyd maalintii uu Madaxweyne Farmaajo Addis Ababa ku tagay safarka uu uga sii gudbay dalka Kenya oo uuu wada-hadallo gaar ah kula yeeshay madaxweyanha Kenya, Uhuru Kenyatta.

“Marna dowladda Somalia kama suuroowdo inay iibiso ama xaraashto dhul-badeed aysan lahayn, Waxayna dowladda Somalia sugeysaa natiijada kasoo baxda Dacwada hor-taalla Maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ, taasoo lagu wado inay go’aan ka gaarto sanadka soo socda ee 2020-ka,” ayaa lagu yiri qoraalkan.

Maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ ayaa waxaa taalla dacwad ay gudbisay Dowladda Somalia kaasoo ay ku diidan tahay badda ay Kenya sheeganayso taasoo wax heshiis ah ay ka gaari waayeen labada dowladood.

Sidoo kale, Qoraalkan ayaa ergadu waxay ku sheegeen in Dowladda Somalia ay u xaqiijisay Dowladda Kenya 25-kii Feb, 2019-ka in Xukuumadda Somalia aysan iib-geyn ama xaraashin dhul-badeedka ay dacwaddiisu taallo ICJ ee u dhexeysa Somalia iyo Kenya.

]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here