SOMALILAND: AGAASIME ERYEY LABO WASIIR MIDKII SADEXAADNA LIGLIGAYA

0

Wasaarada Khayraadka Biyaha ee Somliland ayaa waxaa sanadihii ugu dambeeyey isaga dambeeyey Masuuliyiin ka soo jeeda degaamada Beelaha Hartiga, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Wasiir Huseen Ahmed Abdulle, Wasiir Dawle C/Salaan Maxamed Xassan iyo Wasiir Baashe Cali Jaamac oo ah Wasiirka hada xilka haya. Dhanka kale waxaa isna Wasaaradda Agaasime Guud ka ah Cabdirisaaq Jaamac Nuur oo ka soo jeeda Beesha Bariga Burco, kaas oo had iyo jeer khilaaf xoogani ka dhex dhaco isaga iyo Wasiirada. Hoos ka dheeho qaar ka mid ah Links-yada qoraaladii ay saxaafadu ka qortay khilaafyadii dhex maray Wasiiradii hore iyo Agaasimaha guud. http://hadhwanaag.ca/detail.aspx?id=189423 http://ogaalnews.net/?p=24099 http://ogaalnews.net/?p=24188 http://batalaalenews.net/articles/5981/Khilaaf-Xoogan-oo-Mar-Kale-Ka-Qarxay-Wakaalada-Biyaha-Burco-iyo-Edaymo-Loo-Soo-Jeediyay-Agaasimaha-Guud-ee-Khayraadka-Biyaha-Somaliland Khilaafka Agaasimaha Guud oo lagu xanto inuu yahay nin xadhig adag haysta, ayaa loo aaneeyaa in Wasiiradii hore ay xilkoodii ku waayeen oo uu galaaftay, iyadoo uu Agaasimuhu noqdo kan had iyo jeer Wasaarada ku hadha. Hadaba mudooyinkii ugu dambeeyey waxaa soo ifbaxayey Khilaaf xoogaystay oo u dhexeeya Wasiirka Wasaaradda Khayraadka Biyaha Baashe Cali Jaamac iyo Agaasimaha Guud Cabdirisaaq Jaamac Nuur, kaas oo sababay in Wasiirku uu si ku meelgaar ah shaqadii uga joojiyo Agaasimaha Guud (HOOS KA AKHRISO EEDAYMIHII SHAQO-JOOJINTA). Agaasimaha Guud ayaa la sheegayaa inuu isna u mahaadhay olole ka dhan ah Wasiir Baashe oo uu ku doonayo inuu mariyo tubtii uu qaadsiiyey Wasiiraddii ka horeeyey ee afka la galay, isagoo hada lig-ligaya si uu xafiiska uga fujiyo. Haddii uu ku guulaysto erigiisana, Wasiir Baashe wuxuu noqon doona Wasiirkii 3aad ee ka soo jeeda degaamada Sool iyo Sanaag ee xilkiisa ku waaya khilaafyada iyo iskutaaga Agaasimaha Guud. Isku soo wada duuboo dad badan ayaa dhowraya maxsuulka dhowaan laga filayo inuu ku dhamaado Khilaafka ka dhex taagan Wasiirka iyo Agaasimaha Guud, iyadoo siyaabo kala duwan loo saadaalinayo midka Wasaarada laga tukhin-tukhin doono. AKHRISO EEDAYMIHII AGAASIMAHA GUUD SHAQADA LAGAGA JOOJIYEY: To: Agaasimaha Guud ee W/KH/Biyaha JSL Og: Dhamaan Agaasime Waaxeedyada W/KH/Biyaha JSL Og: Wasaarada Maaliyada JSL Og: Xisaabiyaha Guud ee Qaranka JSL Og: Hanti dhawrka Guud ee Qaranka JSL Og: Baanka Dhexe JSL Og: Haayada Shaqaalaha JSL Og: Wasiiru Dawlaha W/KH/Biyaha JSL Og: Wasaarada Maaliyada JSL Og: Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Ujeedo: Shaqo Joojinta Agaasimaha Guud Mudane agaasime guud markii aan xilka Wasaarada Khayraadka Biyaha la wareegay 7 March 2015, waxa jiray khilaafaadkii idanka dhexeeyay adiga iyo wasiirkii aan xilka kala wareegay. Waxaan markiiba kugu arkay qalafsanaan iyo macan gagnimo aan u fiicnayn in la helo is faham shaqo. Anigana waxaad igu bilawday khilaaf hor leh iyo wada shaqayn la’aan. Mudane agaasime waxaad gaadhay heer aad telephone-ka iga qaban waydo sidoo kalena aad diido inaad ila kulanto. Waxaad dhaqan ka dhigatay in aanaad u soo shaqo tegin xafiiska wasaarada oo aad maqnaato iyada oo aan la’ ogayn meeshaad ku maqan tahay.Tusaale ahaan bishan aynu ku jirno oo dhan dalka waad ka maqnayd iyada oo aanaan ogayn meel iyo hawl aad ku maqan tahay. Mudane agaasime waxaad go’say xidhiidhkii wada shaqayneed iyo war is weydaarsigii. Tusaale ahaan markii garteena ay galeen Wasiiru dawlaha Wasaarada Khayraadka Biyuhu, mudane Mahdi Cisman Buuri, oo ay weheliyaan agaasime waaxeedyada wasaaradu ee lagaaga gar helay in aad xidhiidhkii wadashaqayneed aad jartay, waxaad golihii hortiisa kaga tiraabtay in aanad doonayn in wajigeenu is arko ka wasiir ahaan. Taasi oo dhamaanba meesha ka saaraysa suurtagalnimo wadashaqayneed oo la helo. Waxaad u muujisay aniga iyo shaqaalaha wasaaradaba in aad duminayso wasaaradan kano soo horjeedo in aad ila shaqayso oo aad gudato waajibaadka laguu igmaday si waafaqsan istexgelin iyo kala danbayn. Mudane agaasime waxaad igu samaysay amar diido waxaana lagaa waayey wadashayn adigoo horjoogsaday hawlo muhiim u ah qaranka iyo wasaaradaba. Tusaale ahaan waxaad is hortaagtay ninkii aan u magacaabay mashruucii ay inaga caawinaysay Sanduuqa Horumarinta Africa (African Development Bank) xitaa waxaad ka hor joogsaday in aad u darto shirarkii ku saabsanaa mashruuca. Waxaad is hortaagtay qodista ceel biyoodyadii madaxwaynuhu soo dhagax dhigay sida ceelka Cali Ciise iyo kuwee loo qoondeeyey dadka abaaruhu saameeyeen ee Sool iyo Sanaag, taasi waxay muujinaysaa inaad caqabad ku tahay barmaamijka baylah tirka baahi biyeedka qarankan ee wasaradani ugu xilsaarnayd xukuumada uu gadhwadeenka ka yahay Mudane Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaayo). Mudane agaasime waxaad isku cuna duubtay shaqadii agaasime waaxeedyada taas oo keentay inay ka dhalato inay istaagto hawlmaalmeedkii shaqo ee wasaarada heer qaran iyo heer gobolba. Tusaale ahaan waxaad abuurtay nidaam daro baahsan oo aad dan gaara kaleedahay, ka dib markii aad caadaysatay in ay si gaara meelo kale kuugala kulmaan haayadaha wadashaqaynta la lahaa wasaaradu sida huteelo. Taasi waxay keentay inay lumaan raad raacii iyo macluumaadkii mashaariicda iyo hawlmaalmeedka wasaarada xogtiina ay kugu koobnaato adiga oo kaliya. Mudane agaasime waxaad ku fashilantay fududaynta hawlaha shaqo ee haayadaha wadashaqaynta la leh wasaarada.Waxaad hanan kari wayday inaad abuurto jawi wadashaqayneed iyo war isdhaafsi oo ka dhaxeeya shaqaalaha iyo cida shaqada inala leh. Mudane agaasime wasaarada khayraadka biyuhu waxay baahi u qabtaa in xidhiidh wanaagsan lala sameeyo haayadaha daneeya inay inaga caawiyaan mashaariicda biyaha laakiin taas waad gabtay. Mudane agaasime waxaan in badan kaa codsaday inaad shaqada u daadajisid agaasime waaxeedyada kana qaybgalisid isuduwayaasha wasaarada si loo helo hufnaan iyo hanaan shaqo oo wanaagsan. Tusaale ahaan waxaad isku koobtay inaad haysato buuga shiidaalka inta badana waad kamaqan tahay xafiiska. Waxaad igu diiday codsigaygii aan kaa codsaday inaad u wareejiso agaasimaha maamulka iyo maaliyada. Sidaa darteed waxaa ii cadaatay inaad hanaankii maamuul ee dawliga ahaa dhaamaantiiba caqabadku tahay sabatuna mudane waxaad dhexda ku maratay dhamaanba hawl maalmeedkii aas aasiga ahaa ee wasaarada sida shiidaalkii inta badana xafiiskana waad ka maqantay taasi waxay gayaysiisay wasaarada in gebi ahaanba shaqadiii istaagto. Mudane agaasime waxaad ku fashilantay inaad ku dhaqdo shaqaalaha cadaalad. Waxaad kala eexaysatay shaqaalihii wasaarada taas oo ku dhisan danaysi iyo nin jeclaysi. Tusaale ahaan shaqaalihii aqoonta u lahaa cilmiga biyaha iyo injineeradii sidaan xilka ula wareegay cabashadoodaa isoo gaadhaysay ka dib markii ay kaa waayeen ka qayb galin shaqo. Mudane waxaynu ogsoonahay in shaqaaluhu yahay hantida ugu qaalisan ee qaran leeyahay ama wasaaradeed sidaa daraadeed caqabad maamuul oo soo waajahdaa waxay ka dhigaysaa in uu wax soosaarkoodu hoos u dhaco. Sidaa daraadeed sida uu dhigayo xeer nidaamiyaha dalku waxaad ku fashilantay masuuliyadii laga rabay agaasime guud. Waxaan yaqiinsaday inaad wasaaradan ku noqotay caqabad kana abuurtay jawi fawdo ah taas oo aan dulqaad ulahaa tan iyo intaan xilka wasaarada la wareegay. Iminka waxa la gaadhay heer aan loo dulqaadan karin hagardaamooyinka aad ku haysto hanaanka maamul iyo shaqo ee wasaarada. Waxa la wada ogsoon yahay in aad mijaxaabinayso qorshaha horumarineed ee khayraadka biyaha qaranka. Sidaa daraadeed: Markii aan yaqiinsaday inaad hanan kari wayday xilkii agaasimaha guud ee Wasaarada Khayraadka Biyaha, Markaan u kuurgalay oo aan qiimeeyey cabashooyinka badan ee shaqaalaha iyo haayadaha shaqo wadaagta aynu leenahay, Markii aad igu samaysay amardiidooyin aad u farabadan adigoo inta badan ka maqan xafiiskii shaqada. Markay la tashaday agaasime waaxeedyada iyo isuduwaaysha Wasaarada. Markaan sameeyey ta talin sharci. Makii aad caqabad ku noqotay xidhiidhkii wadashaqayneed luntayna gabi ahaanba kalsoonidii aan kugu qabay. Markii ay sii balaadhatay cadaalad daradii shaqaalaha wasaara aad ku haysay. Hadaba laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 24/10/2016 waxaan go’aansaday inaan kaa joojiyo shaqadii agaasimaha guud ee aad Wasaarada Khayraadka Biyaha aad u haysay. Laga bilaabo maanta waxa kaa reeban in aad faraha la gasho hawlaha shaqo ee wasaarada soona xaadirto xafiiska wasaarada. Waxaan farayaa dhamaan haayadaha wadashaqaynta la leh wasaarada khayraadka biyaha Somaliland inay u hogaansamaan wareegtadan shaqajoojineed. Warqadani waxay xal deg deg ah u tahay arimaha kor ku xusan. Xal mudada dheer waxa laga war dhawrayaa Madaxweynaha. ALLA MAHAD LEH Mudane Baashe Cali Jaamac Wasiirka W/KH/Biyaha JSL]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here