SOMALILAND: Baadhista Hanti-Dhowrku maaha mid lala tilmaansanayo masuuliyihiinta degaamo ama Beelo gaar ah

0
Fadeexad weyn ayaa dul hoganaysa Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland Ciise Axmed Xawar, iyo wasiirka Hawlaha Guud Cabdirashiid Ducaale Qambi, kadib markii ay si aan haboonayn uga fal celiyeen baadhis uu Hanti Dhowrka Guud beryahanba ka waday hayadaha Dawladda Somaliland.

Wasiiradan ayaa waxay ka mid yihiin 24 hayadood oo uu Hanti-dhowrku baadhis ka wado, kuwaas oo isugu jira Wasaarado iyo Hayado madaxbanaan, umana muuqato qorshe lagu bartilmaameedsanayo masuuliyiinta degaamo iyo Beeol gaar ah.

Waxaa nasiibdaro iyo fadeexad weyn noqotay kadib markii saxaafada laga sii daayey shirar abaabul beelaysan oo ay Wasiiradu qayb ka yihiin, taasoo loo fasiray in iyaga si gaar ah loo ugaadhsanayo, beesha Hartina ka xuntahay, taasoo ah mid aan waxba ka jirin, waxayna ahayd inay 
sida asxaabtooda kale ay natiijada baadhista u dhowraan .

Sida Saxaafadu tebisay Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliland Baashe Maxamed Faarax ayaa kulan deg deg ah oo arintan lagaga arinsanayo isugu yeedhay qaar ka mid ah xubnaha Goleyaasha ee Goboladda Sool, Sanaag iyo Cayn, balse waxaa xusid iyo qiimeyn mudan in waqtigii boqolaal qof ku waxyeeloobeen colaaddii Dhumay ee Koonfurta Gobolka Sool aan Gudoomiye Baashe isugu yeedhin xubnaha Goleyaasha, iyaguna aanay ka shirin dhibtii degaamadooda ka dhacday, taasoo markhaati u noqonaysa inay yihiin daneysteyaal, bulshada iyo degaamadana aanay dan ka lahayn.

Waxaa layaab noqotay sida uu Xildhibaan Cabdi Qaadir Indho-Indho uga jawaabay suaal laga waydiiyay sababta ay shirka qabiilka xarunta Baarlamaanka Somaliland ugu qabteen isagoo ku jawaabay, “Annagaa ku kulana, hudheelona ma lihin sidiina, xafiisyona ma lihin, kuwan baa noo xafiisyo ah”,  jawaabtani waxay gef ku tahay naftooda, degaamada ay ka soo jeedaan iyo guud ahaan shacabka Somaliland.

Mar uu dafirayey in shirkoodu ku saabsanaa cabsi ay ka qabaan baadhitaanka Hanti-dhowrku ku wado Wasaaradaha Gaashaandhiga iyo Howlaha guud,  ayuu ku jawaabay inaan markii horaba loo dhiibin meel wax laga cuni karo, taasoo gef ku ah dawladnimada, maadaama aan wasaarada iyo Wasiirkuba ahay kuwo reer gaar ahi leeyahay ama qayb ahaan beel loo siiyey, ee waajibkeedu yihiin inay guud ahaan shacabka iyo degaamada Somaliland u adeegaan.

Gebagebadii waxaa haboon in shacabka iyo siyaasiyiinta Somaliland gartaan oo fahmaan:

In degaamada Goboladda Sool, Sanaag iyo Cayn ay garanayaan oo fahamsan yihiin in baadhista Hanti-Dhowrku ay tahay mid guud oo aan lagu bartilmaameedsanayn degaan ama beel gaar ah, loona wada siman yahay,.

In abaabulkii beelaysan ee Hargeysa laga abaabulaa aanu wax saameyn ah ku yeelan doonin degaamada, aanayna dhaafsiisnayn Hargeysa iyo cida ku abaabulatay ee kaadhka qabiilka xoqonaysa, beeshuna ma daba gelayso qof xilkiisii gudan waayey.

In Xubnaha Goleyaasha Somaliland ee degaamadaas sheegtaa aanay ku imaan rabitaan iyo codka shacabka ee ay ahaayeen Isxambaar danahooda shaqsiyadeedna ay mudo dheer ku mashquulsanaayeen, islamarkaana ay qayb ka yihiin caqabadaha iyo is fahmi waaga ka taagan Goboladda Barriga iyo Somaliland.

In xubnaha Golaha Wasiiradu ay markii horeba ku yimaadeen xulashada Madaxweyne Muuse Biixi oo aan beeli soo dirsan, hadana ay isaga u taalo

]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here