SOMALILAND IYO DF SOMALIA OO FOODA ISKU DARAY AASKII SINGUB IYO DDS OO SOMALILAND KU QAABISHAY MAQAAM KA SAREEYA DFS

0
koore iyo mustafe cagjar2

Waxaa shaley magaaladda Jigjiga ee caasimada dawlad Degaanka Soomaalida Aas Qaran loogu sameeyey Marxuum Abwaan Maxamuud Cabdillaahi Ciise Singub oo caan ka ahaa geyiga afka Soomaliga lagaga hadlo.

Aaska Abwaanka waxaa ka soo qaybgalay Ergooyin ka kala yimid degaamada Soomaalida, sida Dawladda Federaalka Soomaaliya, Dawladda Djabouti iyo Dawladda Somaliland oo ay ka yimaadeen Ergooyinkii ugu badnaa oo isugu jiray Goleyaasha Somaliland, Siyaasiyiin, Madax-dhaqameed, Abwaaniin iyo Qoorweyn farabadan, kuwaas oo kolonyooyin gaadiid ah kala gudbay Xuduudka, iyadoo weftigaas uu hogaaminayey Wasiirka Horumarinta Khayraad Biyaha Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore.

MAQAAMKII SARE EE KILINKA 5AAD KU QAABILAY SOMALILAND.

Dawladda Maamulka Soomaalidda Itoobiya ayaa si heer sare ah u qaabilay weftigii faraha badnaa ee Somaliland, iyadoo ay ilaa 40 ergay ku dejiyeen qaar ka mid ah Huteeladda waaweyn ee Jigjiga, ergadda oo ilaa galabnimaddii qulqulaysay ayaa waxaa xuduuda labada dal ka sii gelbinayey ciidamada Liyuu Booliiska, kuwaas gaarsiinayey goobihii la dejiyey.

KULANKII TACSIDA EE SUBAXNIMADDII:

Kulan tacsi ah oo subaxnimaddii shalay la qabtay, ayna ka qayb galeen dhamaan Ergooyinkii Soomaalidu, ayaa Masuulkii Somaliland ka socday waxaa la siiyey Baratakoolkii ugu sareeyey ee martıda, kadib markii la fadhiisiyey kursigii dhinaca midig ka xigay Madaxweyne Mustafe Cagjar, halka hogaamiyihii Dawladda Federaalka Soomaaliya ka socday la fadhiisiyey kursigii dhanka Bidix, kursiga labaad.

Dheeho sawiraddii kulanka:

GOOBTII AASKA IYO ISKU DHACII DF SOMALIYA IYO SOMALILAND:

Goobtii Aaska taxa isugu yimid kumanaan qof, waxaa lagu tukaday Salaaddii Jimcaha, dabadeedna waxaa lagu xejiyey salaaddii Jinaasadda, waxaa Madaxdii ergooyinka loo qaybiyey hadallo koob kooban, waxaa xiiso gaar ah mudnaa haddaladii Dawladda Federaalka Soomaaliay iyo Somaliland.

Wasiirka Duulista Dawladda Soomaaliya Mudane Oomaar oo ahaa hogaamiyihii Ergadda oo hadalka ku horeeyey ayaa u hadlay oo tacsidii u gudbiyey sidii masuul guud oo umadda Soomaaliyeed oo dhan, waxaa laga dambeysiiyey madaxii Ergooyinka Somaliland Saleebaan Koore, kaas oo markuu dhameeyey tacsi uu ka siday shacabka iyo Madaxweynaha Somaliland, si kedis ah u sheegay in umadaha Soomaalidu yihiin dad walaalo ah oo wax wada leh sida suugaanta iyo Abwaanada sida Singub oo kale, waxna kala leh sida dawladaha iyo xuduudaha, sidaas darteedna loo baahan yahay inay isku ixtiraamaan, hadalkan wasiirka ayaa dad badan oo goobta joogay u guuxeen.

DAAWO HADALKII KOORE:

QADO SHARAFTII MADAXTOOYADDA:

Qado sharaf guud oo loo sameeyey Weftiyaddii ayaa 95% waxay ahaayeen weftigii Somaliland, Madaxweyne Mustafe ayaa u mahadceliyey weftigii baaxada lahaa ee Reer Somaliland.

Dheero Sawirada:

Marka laysku soo xooriyo waxaa xaqiiq ah in maqaamkii ay masuuliyiinta Dawlad Degaanka Soomaalidu siiyeen Somaliland uu aad uga sareeyey midkii ay siiyeen masuuliyiintii ka socotay Dawladda Federaalka Soomaaliya, waxaa xusid mudan in labada Madaxweyne ee Kilinka 5aad iyo kan Somaliland ay yihiin niman isku degaan ah oo asalkoodii hore ka soo jeeda kilinka 5aad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here