Somaliland iyo Puntland oo labaduba u dabaaldegaya isdhiibka Cali Khaliif ee Soomaliland

0

LAASCAANOOD: Wararka laga helayo Maamulada Soomaliland iyo Puntland ayaa sheegaya in mid waliba gaarkiisa ugu dabaaldagayo isdhiibka uu Cali Khaliif isu dhiibay Soomaliland habeenkii xalay oo taariikhdu ahayd 05/02/2017. Maamulka Soomaliland ayaa u arka in ay arinta isdhiibka kooxda Khaatumo iyo horjoogaheedu u tahay guul wayn oo dhinacyo badan leh Bulsho ahaan, Siyaasad ahaan, iyo Amni ahaanba. Waxaana wararka laga helayo Hargeysa ay sheegayaan in Mr Siilaanyo xubnaha maamulkiisa iyo qaybaha kala duwan ee bulshadiisu ay keenida kooxdan ku amaanayeen ugana hambalyaynayeen. Dhanka kale wararka laga helayo Puntland ayaa sheegaya in Mr Gaas iyo kooxdiisa uu maamulka ku hogaamiyo ay arintaas u arkayaan guul Siyaasadeed, Maamul, iyo Bulsho oo usoo hoyatey. Walow shacabka degaanadda Puntland ay aad uga xun yihiin isdhiibka Cali Khaliif. Waxay wararku intaa ku darayaan in arintaas si gaar ah farxadeeda looga dareemayo Mr Gaas iyo kooxdiisa oo marar dhowr ah Khaatumo Ciriir iyo Godoon siyaasadeed ku gelisay masraxa siyaasadda Soomaaliya Maamulka Khaatumo ee Mr Galaydh hogaamin jirey ayaa Maamulada Soomaliland iyo Puntland caqabad xoogan ku ahaa Siyaasad ahaan, iyo Maamul ahaanba, waxayna iminka u arkaan in taasi dhamaatay maadaama uu hal dhinac isugu guurey.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here