Somaliland Muuse waa kaas "Adigoo Tumaal ah (Midgaan) ayaad leedahay wax wanaagsan ayaa la isiiyey"

0

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi ayaa shacabka Somaliland ceebtii iyo magac xumadii ugu weynayd u soo hooyey kadib markii uu si qaawan oo milgaha siyaasiga ka baxsan haddal cunsiradaysan oo takoor iyo yasidi ka muuqato kula dul kufay wasiir ku-xigeenka Hawlaha guud iyo guriyeynta Somaliland Cali Cabdi Saa’iq . Dhacdadan ceebta yo murugada xambaarsani waxay dhacday maalintii jimcihii gudaha Madaxtooyada Somaliland, waxayna u dhacday sidan: Muuse Biix ayaa salaan kadib wasiir ku-xigeenka waydiiyey su’aal taas oo u dhignayd sidan:- Suaal Muuse Biixi: Cali Maxaa lagu siiyey shirkii habeen hore aad Maansoor ku gasheen ee Ina Biixi Yoonis? Jawaab Cali Cabdi: Waxa la isiiyey Muusow wax wanaagsan. Muuse Biixi oo cadho ka muuqato wejigiisa, ayaa ku tiraabay weedhahan xanafta iyo xajiin leh, kuwaas oo u dhignaa sidan:- “ilaahay ayaa tumaal kaadhigaye xageed ka keentay wanaaga, Alleba idiinma abuurin wanaage” ayuu yidhi muuse biixi. Muuse Biixi wuxuu meel uga dhacay dhamaan sharaftii iyo karaamadii shacabka reer Somaliland, dimoqraadiyadii, xoriyadii qofka, Xisbiga Kulmiye iyo Beesha Gabooye. Reer Somalilandow Muuse waa kaas. Hooska Daawo Wasiirka oo ka waramaya sidayy wax u dhaceen. https://youtu.be/XlmbyB4Z-R8 Xigasho: xaysimo.com]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here