Somaliland oo HASS PETROLEUM ku eedaysay Kooxda Cali Khaliif

0

Sida ay shabakada jidbaale qortay ilo xogogaal ah oo ku sugan magaalada Hargaysa, ayaa cadeeyey in dacwadi ku socoto shirkada shiidaalka ee Hass Petroleum oo qandaraas ku haysata keenista shiidaalka Somaliland. HASS PETROLEUM ayaa lagu eedaynayaa inay bixiso dhaqaalaha ay ku shaqeeyaan kooxda burburtay ee uu horjoogaha u yihiin Cali Khaliif Galaydh iyo Garaad Jaamac Garaad Cali. Wakiilka Shirkadan ee Magaalada Muqdisho Cabdiqani Yuusuf Gacamey (khorushoof) ayaa sanadkii hore dabayaaqadiisii isagoo u shaqeynaya kooxda Cali Khaliif Galeydh aflagaadooyin iyo weerar ku qaaday Garaadka Guud ee Sool iyo Sanaag Garaad Saleebaan Garaad Maxamed, arintan oo marag fur u noqonaysa eedaha ay Somaliland ku heysato HASS PETROLEUM. Haddii HASS PETROLEUM ay weydo sharciga ganacsiga Somaliland waxay dhabarjab ku noqon doontaa oo yarayn doontaa fitmada uu Cali Khaliif Galaydh ka wado degaamada SSC iyo Xuduudka Ethiopia. Sida wararku xaqiijinayaan Mulkiilaha Shirkada Cabdinaasir ayaa waxa uu maalmihii u dambeeyay ku sugnaa magaalada Hargaysa si uu u daboolo amaandarada iyo taageerada ay shirkadiisu la barbar taagantahay Cali Khaliif. Si kasta oo loo cadeeyo inay shirkadu dhaqaalo la daba taagantahay Cali Khaliif, hadana rajo lagama qabo in dacwada lagu soo eedeeyey lagaga adkaado, maadaama ay shirkadaha nooceeda ah ee ku koray dhaqaalaha Xisaab iyo Cashuur la’aanta ah ee Soomaaliya, ay caado u tahay inay bixiyaan Laaluush xad dhaaf ah, hadii uu u shaqayn waayona ay dil qarsoodi ah ku fuliyaan qofkii ka hor yimaada. Waxaana dhici karta in saacadaha soo socda ay xaaladu kala degto. ]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here