Somaliland oo ka hadashay safarka C/weli Gaas ee gobolka Sanaag & Waraabe oo ku tilmaamay daan daansi dagaal

0

Saddexda xisbi siyaasadeed ee Somaliland oo goor dhaw shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa waxay ku dhawaaqeen in ay kasoo horjeedaan booqashada madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ku tagay maanta gobalka Sanaag gaar ahaana magaalada Badhan. Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici oo shirka Jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay in talaabada booqashada madaxweyne Gaas ee gobalka Sanaag ay dhabaha u xaadhayso xiisad cusub oo colaadeed, wuxuuna sheegay in ay ka xun yihiin talaabadaas oo uu sheegay in ay tahay daan daansi siyaasadeed. Madaxda iyo xubnaha mucaaradka ee Somaliland ayaa waxa ay sheegeen in talaabada booqashada Gaas ay tahay mid kasoo horjeeda amniga iyo daganaanshaha mandiqada gobalka Sanaag oo lagu soo xad gudbay dhulkooda. https://www.youtube.com/watch?v=Gx2sFgtH9KE
]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here