Somaliland waa dimoqraadi 3meelood kama jiro, codbaa lagaa rabaaye horta yaad kula dhuuqi?

0

Somaliland oo aminka 25 sano jirsatay tan iyo intay ku dhawaaqday inay Soomaaliya ka goday, ayaa ah meel dimoqraadi oo lagu kala adag yahay nidaamka qof iyo hal cod (one man one vote). Inkasta oo ay mudo dheer qaadanayso inta qof Somaliga ahi qabiilnimadu ka baxayso, hadana Somaliland waxay u soo guuraysaa nidaamka degaan iyo intee cod haysataa ama heli kartaa. Dhanka kale gobolada Sool iyo Sanaag ayaa waxaa ka jira nidaam aad u dambeeyey oo loogu talo galay xiligii dagaalada sokeeye, taas tusaale ahaan qof leeyahay Dhulbahante ayaan u dhashay. Nidaamkaas qabiilka iyo dagaalada sokeeye fa saleysani wuxuu sharciyey xeerar khaldan oo ka soo horjeeda dimoqraadiyada iyo horumarka, sida sad qaybsiyo xaaraan ah oo aan degaan iyo dad ku salaysnayn, tusaale ahaan 3 meelood iwm. Waxaa dhacda in ninka dhulbahante ee kilinka 5aad ee degaanka Wardheer ee dalka Ethiopia ka soo jeedaa intuu Ceerigaabo yimaado ku doodo wixii dadka degaanku helo 3 meelood inoogu qaybsha, qorshahaasi waa wax ka baxsan oo aan waafaqsanayn qarnigan aynu ku jiro. Arintani waxay keentay in beelihii ethiopian ka ahaa ay degaankoodii iyo dawladii ay ka tirsanaayeen waxba la qabsan waayaan oo Somalia u soo cararaan, halkaas uu degaankoodii iyo dadkoodii ka qadeen khayraadkii iyo horumarkii dawladii iyo dalkii ay ka tisanaayeen. Dhanka kale dadkii deganaa Sool iyo Sanaag ayaa iyana si la mid ah ayaa taladii degaankooda ku haleeyey dad kale oo aan degaanka ka tirsanayn, iyagoo masiirkii caruurtooda u daba fadhiya, waxayna dayaceen waxqabadkii iyo waajibaadkii looga baahna. Taas waxaa sii dheer kii wax waayaa intuu qayliyo ayuu oranayaa waa layna qabyaaladaynayaa ama jamhad baan sameynayaa oo degaamada SSC baan Somaliland ka xoreynayaa, subaxa dambe marka loo yeero isagoo Hargeysa taagan baa la arkayaa. Hadaba haddii bishan tobankeeda XUBNAHA GOLAHA DHEXE EE KULMIYE Saleebaan Xaglotoosiye dooran waayaan, ujeedadu maaha in la qabyaaladeeyey ama si gaar loo diidan yahay ee waxaa reebtay dimoqraadiyad oo waxaa la eegayaa codkee iyo degaankee buu xisbiga Kulmiye ku soo kordhin karaa. dimoqraadiyadu maaha wax layskula dhuuqo ee waa maxaad heli kartaa, hadaadan codka Madaxweyne ku xigeenka Saylici cod u dhicma helayn maaha inaad yeelato han oo aad is sharaxdo, ogow qof kasta oo Reer Somaliland ah derajo wuu rabaa, hana waa leeyahay, laakiin duruufo ayaa hortaagan. Maanta ha la ogaado ninkiii doorashada ku hadhaa qabiil baa laygu reebay cidina kaa dhegaysan mayso ee waxaa ku hortaal: SOMALILAND WAA DIMOQRAADI, 3 MEELOOD KAMA SHAQEEYO EE COD BAA LAGAA RABAAYE, HORTA YAAD KULA DHUUQI?]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here