SOMALILAND: WASIIRO KU GABANAYA WASIIRKII HORE EE BIYAHA OO LAASCAANOOD KU SII JEEDA

0

 
 
Waxaa maanta Magaalada Hargeysa ka baxay wefti ka tirsan Golayaasha Somaliland oo ku gabanaya Wasiirkii hore ee Wasaarada Khayraadka Biyaha Biyaha Baashe Cali Jaamac, kuna sii jeeda Gobolka Sool. Wasiirada, Xildhibaanada Isxambaarka iyo Masuuliyiinta Xisbiga Kulmiye oo ay dabada ka riixayaan dad dano gaar ah lihi ayaa mudo dhowr cisho ah waxay Baashe ka baryayeen inuu Laascaanood u raaco, si uu u dejiyo Beesha Maxamuud Garaad oo guud ahaanba ka kacsan heshiisyadii AWRBOOGAYS IYO ADHICADEEYE oo lagaga baxay iyo Cunaqabateyn la saaray Ganacsigii dadka degaan, taasoo laga baqayo inay 15 bishan ku dhawaaqaan inay heshiiskii Awrboogays iyo Adhicadeeye si toos ah uga baxeen iyo inaan Cali Khaliif Galaydh ku meteln wadahadala uu Somaliland kula jiro, taasoo laga baqayo in Beesha Caalamka iyo cida danaysaa u aragto inaan wadahadalada loo dhamayn. Weftiga ayaa la sheegayaa inay ka mid yihiin Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Yaasiin Faratoon Wasiirka Khayraadka Biyaha Xuseen Cabdi Boos Gudoomiye kuxigeenka 3aad ee Kulmiye Xuseen Adan Cade Xildhibaan Saleebaan Yuusuf. Haddii Beeshu ku dhawaaqdo inay ka baxday heshiiskii Awrboogays iyo Adhicadeeye macnaheedu wuxuu noqonayaa inay Somaliland ka laabteen maadaama qodobka kowaad ee heshiiska uu ahaa Somalilandnimada, kan labaadna Saami-qaybsiga. Weftigani waxay dadka ula tagaan ma hayaan, heshiiskii Jawaab kama sidaan, Kabelka iyo Cunaqabateynta Ganacsiga Jawaab kama wadaan, waxay jawaab ka sugayeen Somaliland, in dib loogu noqdo oo la yiraahdo maxaad diidan tihiin waxaa waxgaradka degaanku u arkaan gef, kuwa masuuliyiinta ah ee la yimidna uma fiicna. Weftigan ayaa laga sugayaa inay Laascaanood la yimaadaan, Gudiyo soo qabsada, kabkii degmooyin, mashruuc ayaa meel hebla laga fulinayaa, Kabelka inaga dhaafa, iyo qof baa meel loo magabaacay, halka Beeshu doonayso inay ka hadasho qodobada Masiiriga iyo siyaasada sida: 1. In laysla garto Mustaqbalka Somaliland iyo siday u ekaanayso. 2. SAAMI-QAYBSI 50% Madaxda dalka ugu saraysa, Xukuumada iyo Wasaaradaha Muhiimka ah, Goleyaasha, Khayraadka dabiiciga ah, horumarka, hayadaha Madaxa banaan, Ciidamada, shaqaalaha iwm. 3. Dastuurka Somaliland oo laga saaro wixii mud daro ku ah Gobolada SSC, ismarkaana lagu daro heshiisyada cusub. 4. In Goleyaasha lagu yeesho diidmada qayaxan VETO hadii la keeno qodob ka hor imanaya ama wax u dhimaya xuquuqda degaamada iyo shacabka SSC. 5. In la laalo dhamaan heshiisyada iyo liisamada ganacsi ee caqabada ku ah ganacsatada SSC, si looga digtoonaado caqabada ka dhalatay Cable degaanka Higlada lagu horjoogo iyo Cunaqaataynta Ganacsatada SSC, si loo abuuro ganacsi ah oo loo siman yahay, iyadoo weliba ganacsatada SSC la siinayo tixgelin gaar ah. Si kastaba hayska ahaatee waxkasta oo Wasiirada iyo masuuliyiintani ku hadlaan ayaa laga aaminsan yahay hoodado iyo raajis loogu danaynayo inta ay dhamaanayaan wadahadalada Somaliland iyo Cali Khaliif, umana eka inay aqalayaan, mana aha mid Baashe iyo cid gaar ahi wax ka bedeli karto, waxayna u egtahay inay soo socoto in Beeshu ku dhawaaqdo inay burbureen heshiisyadii ay Somaliland ku qaateen.
Xigaasho:Www.xaysimo.com
]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here