Sool: Maxamuud Xaashi iyo qorshihiisa qaybi oo xukun, gacan hoorsigii cuqaasha iyo lacagaha

0

Dhowrkii casho ee ugu dambeeyey Magaaladda Laascaanood waxaa ka socday hardan iyo isdabayaac kadib markii cuqaal ku soo afmiinshaaroobay shirkii Awrboogeys ay safaf dhaareer u galeen Ninkii bedelay Wasiirkii hore ee Madaxtooyadda Somaliland oo lagu magacaabo Maxamuud Xaashi Cabdi. Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland waxaa laga dhigaa qoyska Madaxweyne Siilaanyo wuxuuna leeyahay awood aan wasiirada kale lahayn, mararka qaarkood waxaa lagu sifeeya Raiisalwasaare qarsoon. Dhowrkii habeen ee uu Magaaladda Laascaanood ku sugnaa, wuxuu Dhulbahante u qaabilayey jibsin jibsin hoose (Caaqil Caaqil), iyadoo loo galay safaf dhaadheer oo mararka qaarkood gaadhayey ilaa waaberiga. Maxamuud Xaashi oo Qorshihiisu yahay qaybi oo xukun, ayaa Jibsin walba siiyey qadar lacag ah oo uu ugu talogalay inay isku qabsadaan oo ku kala dhintaan, iyadoo aanay jirin duruuf gaar ah qoys qoys lacag loogu qaybiyo. Hoos ka daalaco muqdurkii uu u qaybiyey: Beesha Maxamuud Barri: Bihidarays 10 000 US$ Reer Jibriil 10 000 US$ Gaboobe 10 000 US$ waxay u arkeen kala qaybin dib ayeyna u cesheen Reer Xaysimo waxaa la siiyey 25 000 oo cadaan ah iyo xoogaa gadaal looga soo diri doono, iyadoo had iyo jeer ay la socdaan macalqabadka labada xildhibaan ee Saleebaan Yuusuf Cali iyo Xildhaan Indho, sidoo kale Badhasaabka 3 biloodka ku qaata Magaalada Hargeysa. Sadexdooda ayaa lacagta loo dhiibay, waxayna la hadheen 6 000 US$. Dagaal, muran iyo goolaaftan dheer kadib baaqigii waxaa loola kala cararay: Faarax Cali 5 000 US$ Wacays Cali 2 500 US$ Samakaab Cali 2 500 US$ Axmed Cali 0 000 US$ waa la qadiyey. Cabdi Maxamuud 3 000 US$ Cumar Wacays 3 000 US$ Wacays Cabdulle 3 000 US$ Beelaha Maxamuud Barri ee aan ka qaybgelin gacan hoorsigii Maxamuud Xaashi waxaa ka mid ah Aadan Cali iyo Reer Cilmi, inkastoo la hadal hayo in Khadar Cali Jaamac uu qandaraas ku qaatay soo dhoweyntii iyo dejintii Madaxweyne Siilaanyo ee Adhicadeeye. Injiile iyo Kaskii-qabe oo qayb ka ahaa shirkii Awrboogays ayaan la xusin. La soco muqdurkii la siiyey beelaha kale ee Sool iyo Cayn. Kaalinta Yaasiin Faratoon iyo Murankii Maxamuud Xaashi iyo Baashe Cali Jaamac. ]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here