Sool: Maxamuud Xaashi iyo qorshihiisa qaybi oo xukun iyo Xiriirka Baashe Cali Jaamac

0

Sida ay cadeeyeen ilo xogogaal ahi, mudo 4 bilood laga joogo waxaa wada xiriiray xubno ka tirsan kooxda Khaatumo iyo Somaliland, kuwaas oo isweydiiyey bal inay wadahadli karaan. Kooxda Khaatumo ayaa xubnihii Somaliland weydiisay inay yihiin kuwii wax ka goayeen, halka kuwii Somalilandna ay shuruud ka dhigeen inay Dhulbahante oo midaysan keenaan. Mudo yar kadib markii kooxda Khaatumo ay bilowday isku dayo iyo gucle ay Qurbajoogta iyo siyaasiyiinta degaamada SSC kaga dhaadhicinayso wadahadalka, Maamulka Somaliland wuxuu bilaabay inay wargeliyaan Wasiirka Khayraadka Biyaha Somaliland Baashe Cali Jaamac, si ay isaga horkeenaan oo isugu jebiyaan. Baashe markay u cadaatay wadahadalka qarsoodiga ah ayuu ka cadhooday, wuxuuna bilaabay tartan siyasadeed oo ka dhan ah gacan dhiibista Cali Khaliif, arintaas oo ah sidii ay rabtay Madaxtooyada Somaliland. Ugu dambeyntii bishii July ayaa Baashe Cali Jaamac si kedis ah ugu guuleystay Shirkii Awrboogeys, maalmo kadibna waxaa u raacday Shirkii Adhicadeeye, halkaas oo uu markii ugu horeysay kashifay wadahadalka qarsoodiga ah ee u dhaxeeya Cali Khaliif iyo Somaliland. Iyadoo todobaad ka dibna ay ergadii Cali Khaliif tagtay Magaalada Caynaba. Shirkii Awrboogeys waxaa lagu wiiqay hankii iyo gorgortankii Cali Khaliif Galaydh, halka wadahadalkii Caynabana lagu burburinayey Heshiiskii Awrboogeys (Lafo Maroodi iyagaa laysku jebiyaa) Wadahadalkii Caynaba kadib Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo ah ninka gashaday kabihii Xirsi wuxuu bilaabay qorshe uu ku burburinayo oo ku kala qaybinayo beelihii ka qaybgalay Shirkii Awrboogeys iyo Adhicadeeye, isagoo ula shirayey jifi jifi hoose, islamarkaana qaarkood siiyey dhaqaale ay isku diiwaangeliyaan, qaarna qadinayey si ay u kala shakiyaan. Sidoo kale wuxuu genefka ku feedhay ninkii Hormuudka u ahaa Shirarkaas Baashe Cali Jaamac, iyadoo la cadeeyey in xidhiidhkoodu maalinba maalinta ka dambeysa uu sii xumaanayo.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here