Sool: Xisbiga Waddani oo Arimaha Gudaha ku eedeeyey xil gudasho la’aan iyo Amaandarada Gobolka

0

Gudoomiyaha Gobolka Sool ee Xisbiga Waddani Cabdi Yuusuf Ismaaciil (Cabdidheere) oo ka hadlay iska hor imaad xoogan oo xalay Magaalada Laascaanood ka dhacay iyo amaan daro gobolka ka jirta ayaa Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland ku eedeeyey masuuliyada arintan. Cabdi Dheere ayaa yidhi «Gobolka waxaa ku soo badanaysa Amni daro, xalay 3 saacadood ka badan ayaa Laascaanood gudaheeda rasaasi ka socotay, cid markiiba u gurmatay ma jirto, iyadaa sideeda isaga qabowday, waxaa dayacaada iyo masuuliyada arintan leh Wasaarada Arimaha gudaha Somaliland» Gudoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa ku daray «Gobolka dhowr bilood Badhasaab ma joojin, taliyaha qaybta booliiskuna kama soo bixin waajibaadkiisii, Wasiirkiina uma soo jeedo oo waxyaalo kale ayuu ku mashquulsan yahay, markaa sidee Amaanka Gobolku ama Laascaanood ku hagaagayaa». Gudoomiyaha Waddani ee Sool ayaa Wasiirka Arimaha Gudaha Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) ku eedeeyey inuu jebiyey Amarkii Madaxweyne Siilaanyo, isagoo yidhi « Waxaan aad uga xumaaday in xili ay xalay rasaas xoog badani ka socotay Magaalada Laascaanood aan saxaafada ka daawaday wasiirkii amaanka dalka u xil saarnaa oo 4 qof oo markay xilkoodii gudan waayeen aan shaqada ka caydhiyey dhinac taagan oo leh waxay ka soo digarogteen Xisbiga Waddani, muyuu wasiirku ilaaway in Madaxweyne Siilaanyo amray in inta abaaraha lagu jiro la joojiyo xafladaha xisbiyada ee digarogashada». «Miyaanay nasiib daro ahayn in masuulkii amaanka dalka u xil saarnaa uu ku mashquulo 4 qof oo ay isku qoys yihiin, hadduuse isagu bilaabo jebinta amarka Madaxweynaha shacabkii maxay sameynayaan?» ayuu hadalkiisii ku daray. Gudoomiye Cabdi Dheere ayaa cadeeyey in xubnihii ay shalay Kulmiye iyo Xukuumadu ku mashquulsanaayeen uu Xisbigu eryey xil gudasho la’aan awgeed. Ugu dambeyntii Gudoomiyaha oo sii wada dhaliisha Wasaarada Arimaha Gudaha ayaa xukuumada ugu baaqay inay xooga saarto sidii loo sugi lahaa amaanka Gobolka Sool, gaar ahaan Laascaanood.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here