Soomaali weeraray safaarada Mareykanka ee Nairobi oo la toogtay

0

Nin dhalashadiisa lagu sheegay Soomaali kasoo jeeda gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa weerar ku qaaday safaaradda Mareykanka ee magaalada Nairobi, kaasoo dhaawac u geystay mid ka mid ah saraakiisha ilaalada safaaradda, kadibna ciidamadii kale ayaa toogtay ninkaasi Soomaaliyeed ee reer Wajeer ah. Safaaradda Mareykanka ayaa xaqiijisay weerarkaan sida ay sheegtay afhayeenka safaaradda haweeneyda lagu magacaabo Fiona Evans oo la hadashay wakaaladda wararka ee Reuters. Documentiyo laga helay jeebkiisa ayaa lagu ogaaday in ninkaan kasoo jeeda magaalada Wajeer ee gobolka Waqooyi bari, laakiin magaciisa ma sheegin. Ninkaan ayaa doonayay in uu xoog ku galo safaarada Maraykanka ee magaalada Nairobi waxaana albaabka hore ee safaarada ishortaag ku sameeyay askarigii dhaawaca soo gaaray. Ma jirto koox sheegatay in weerarkan ka dambeysay, hase ahaatee warbaahinta Kenya ayaa sheegaya in ninka la toogtay looga shaki qabo inuu ka tirsan yahay Al-Shabaab.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here