Soomaaliya Iyo Djibouti Oo Galay Heshiisyo Dhanka Boostada Iyo Isgaarsiinta Ah

0

  • Waxa ay labada dal iska kaashan doonaan dhinaca horumarinta xargaha fiber optic ah madaama ay saldhigyo badan ku yaallaan dalka Jabuuti, iyada oo la billaabi doono xiriirrada labada dal iyo shirkadaha isgaarsiinta Soomaaliya iyo Djibouti Telcom oo ku saabsan xarig cusub oo Fibre Optic ah, gaar ahaan xarigga Djibouti African Regional Express (DARE), oo isku xiri doona magaalooyinka Jabuuti iyo Mombasa, isagoo sii maraya dhowr deked oo ku yaalla Soomaaliya
  • Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti, gaar ahaan labada wasaaradood, ayaa waxa ay iska kaashan doonaan horumarinta iyo maamulka Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda labada dal, wadaagista khibradaha iyo aqoonta la xiriirta isgaarsiinta, gaar ahaan dhinacyada isku-xirka gobolka Geeska Afrika, amniga internetka (cyber security), sharciyada isgaarsiinta, maamulka hirarka iyo lambarrada, iwm.
  • In la qabto dhowaan shir ay ka soo qeybgalayaan madaxda labada dal, shirkadaha isgaarsiinta Soomaaliya iyo Shirkadda Djibouti Telecom.
  • Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada Soomaaliya, Mudane Eng. Cabdi Cashuur Xasan, ayaa sheegay ka dib go’itaankii ugu dambeeyey ee Internetka Soomaaliya in wasaaraddu ay garowsatay in la dardar-geliyo helitaanka khad kale, maadaama aysan suurtogal ahayn in qaran dhan ku tiirsanaado hal xarig. “Jabuuti waa dal aan wax badan ka faa’iideysan karno. Wuxuu leeyahay illaa 8 xarig oo fiber optic ah. Sidaasi darteed ayaan dooneynaa inaan ka kaashano sidii aan u horumarin lahayn isgaarsiinta iyo internetka Soomaaliya,” ayuu yiri wasiir Cashuur oo ka hadlayay heshiiska. Dhawaan ayaa Baarlamaanka Soomaaliya meel amriyey sharciga Isgaarsiinta oo ahaa mid muddo dheer la sugaayey.]]>

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here