Soomaaliya iyo Turkiga oo kala saxiixday heshiis dhinaca tamarta ah

0

Madaxweyneyaasha Turkiga iyo Somalia ayaa kullan gaar ah ku yeeshay magaalada Istanbul oo uu ka furmay shirka madasha 6-aad ee heerka sare ee Soomaaliya iyo beesha caalamka. Kullankaan oo labada Madaxweyne ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud iyo Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa waxay si gaar ah ugu wada hadleen xiriirka labada dal, taageerada dhaqaale ee dhinaca horumarka, kaabayaasha dhaqaale ee Turkiga uu siinayo Somalia iyo amniga. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyay dhigiisa Turkiga taageeraada hagar la’aaneed ee ay la garab taagan yihiin Somalia, isagoo sheegay in taageeradaasi uu Turkiga la garab taagan yahay Somalia wax badan ka badalay muuqaalka muuqaalka guud ee Somalia. Recep Tayyip Erdogan ayaa dhankiisa ka ballan qaaday in Turkiga intii karaankiisa ah uu taageeri doono shacabka Soomaaliyeed, isla markaana dowladdiisa ay ku bixin doonto wax kasta oo horumar ku sameyn doona Somalia. Dhinaca kale, Dowladdaha Somalia iyo Turkiga ayaa kale kala saxiixday heshiis dhinaca tamarta ah, kaas oo wax weyn ka tari doona dhaqaalaha iyo maalgashiga Somalia. Ugu danbeyntii, Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh ayaa kulamo la qaatay madaxa Iskaashiga Caalamiga iyo Horumarinta ee Midowga Yurub, Neven Mimica, Agaasimaha Bankiga Adduunka ugu qaabilsan Somalia, Mrs Bella Bird, Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka ee arrimaha Afrika, Linda Thomas-Greenfield, iyo madax kale. ]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here