Taalo xusuus weyn ku leh degaamadda SSC oo Buuhoodle laga taagay

0

Buuhoodle- Dadweynaha gobolka Cayn oo ay horkacayaan qaybaha Bulshada sida Madaxda dhaqanka, Saraakiisha Ciidamadda, dhalinyaradda, iyo haweenka ayaa Taalo taariikhi ah oo mudooyinkii danbe laga shaqaynayey si rasmi ah uga taagay Magaaladda Buuhoodle. Taaladdan oo loogu magacdaray KALSHAALE ayaa ujeedka loo taagay ay tahay si loogu xusuusto xasuuqii ay Ciidamadda Somaliland ka geysteen degaamadda ku hareeraysan Buuhoodle oo KALSHAALE ka mid tahay. Xasuuqii KALSHAALE oo taaladan loogu magacdaray ayay dadbadan oo birimageydo ku jirto ku nafwaayeen. Taaladda ayaa la saaray baabuur BEEBE ah oo ka mid ah hubkii ay Somaliland xasuuqa ku geysanayeen oo gacanta lagaga dhigay xiligii dagaalkan xasuuqa lagu geystey soconayey oo wakhtigan laga joogo ku dhowaad Shan Sanno. Xilliga Taaladan Xusuusta weyn laga taagay Magaaladda Buuhoodle ayaa kusoo beegmaysa xilli uu madaxweynihii Khaatumo Cali Khaliif Galaydh iyo koox la shaqaynaysay ay isu dhiibeen maamulkii halkaas xasuuqa ka geystey ee Somaliland. Isla markaana wararku sheegayaan in ay jiraan shirqoolo ay Somaliland kula galeen in Ciidamadda Somaliland gacanta ku dhigaan Buuhoodle. Dadka Somaliland xasuuqday ee Taaladan lagu xusayo waxaa ku jira qaar u dhintay sabab uu leeyahay Cali Khaliif Galaydh oo ay ka difaacayeen weeraro ay Soomaliland kusoo qaaday wakhtiyo uu ku sugnaa Buuhoodle. Daawo Sawiro ]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here