TAARIIKH KEYDSAN IYO G11 :GABLAN TALO ADUUNEEY MAXAY GALABA HEER JOOGTEY

0

Nin aan u malaynayo inuusan waligii magaalo ka bixin baa waxaa laga hayaa indhihiii dhiman waayaa geel dhalaayana waa ku tusaan. Waxaan filayaa inaan ruuxna hore u suureysan in xubnaha G11 oo wixii ay ahaayeen la ogaa ayaa mar-kale majaraha u qabanaya shirweyne dhulbahante iyaga oo bilowgiiba afka saaray PUNTLAND. GABLAN TALO ADUUNEEY MAXAY GALABA HEER JOOGTEY. Bal aan dib u xasuusiyo Waa Kuwama G11? Mohamoud Ibrahim oo ah qoraa degaanadda SSC ah magaalada london ku sugan ayaa ka jawaabaya:……….. Kooxdani waa abaabulayaashii iyo bud dhigayaashii mashruuca Khaatuumo. Waxay qayb ka ahaayeen waxkasta oo wanaag iyo xumaan, shar iyo sharaf, midnimo iyo tafaraaruq, xasarad iyo xeelad, horumar iyo dib-u-dhac ay Khaatumo soo kordhisay. Ma jirto shantii sannadood ee u danbeysey mabda iyo mawqif ay ku kala qaybsanaayeen kooxdan G10 iyo Dr. Galaydh (G1). Waxa xusid mudan in kooxdani ay shirarkii Caynaba iyo Addis Ababa qayb ka ahaayeen taageereenna. Haddaba waxa nasiib darro ah in kooxdani ay maanta rabaan inay hoggaamiyaan talada dadka SSB. Waxa nasiib darro ah inay maanta bilaabaan eedayn ay Cali Khaliif eedeeyaan. Cali Khaliif (G1) isma beddeline waddadii uu shantaa sano hayey ee ay iyana qaybta ka ahaayeen ayuu weli hayaa, laakiin waxa muuqata in danahooda gaarka ahi iska hor yimaaddeen oo G10 ay rabaan inay dadka u tusaan inay is beddeleen! Kooxdani G10 inta aanay dad isugu yeedhin oo shirar ujeeddooyin cusub leh iclaamin maxaa la gudboon? 1) Inay ka qanciyaan dadka SSB kaalintay ku lahaayeen Khaatumo 2) Inay qirtaan inay ka masuul yihiin wax alla iyo wixii ummadan SSB ku dhacay muddadaa shanta sano ee ay ka mid ahaayeen kaadiriinta majaraha u haysay Khaatumo. 3) Inay G10 ogolaadaan in lala xisaabtamo oo ay soo bedaan waxay bi’iyeen cafisna ay ka dalbadaan dadka SSB intaanay wax kale oo u qarqooran ummaddan ku abaabulin. 4) Inay dhabarka u ritaan isbeddellada taban ee shantaa sano la soo dersay dadka SSB ee ay ka midka yihiin:- a) Taraaruq, iyo kala aammin bixid dadka dhexdooda yaalla maanta b) Colaado dadka dhexdooda ah oo sababay ku dhowaad 300 oo qof (Taleex, Dharkayn/Saaxdheer, Xuddun, Tukaraq iwm). c) Degaanno hor leh oo si xeeladaysan ugu wareegay gacanta Somaliland. d) Dhaqaale burbur baahsan oo lagu riday dadka e) Maskax burbur baahsan oo dadkii aanay maanta garanayn meel loo socdo iyo wax u roon toonna f) Xooggoodii oo la burburiyey, la iskana horkeenay oo la isku jebiyey g) Qoysas badan oo dhisnaa oo burburay Khaatumo daraddeed carruurahoodiina waxbarashadii ka saaqideen sidaana xabsiyo ku galeen. Intaa haddii laga helo waxay G10 xaq u yeelanayaan inay talada dadka wax ku yeeshaan kaalintoodana ka qaataan. Maxaa talo la gudboon dadka SSB? Aragtidayga waxaa la gudboon arrimahan. 1) Inay u ballamaan “SHIR TOL” oo ka madax bannaan “SIYAASAD”. 2) In tallaabada ugu horreysaa ee shirkaa diiradda lagu saarayaa ahaato; in la dhammeeyo khilaafyada hoose ee reeraha dhexdooda ah si loo helo in degaan walba midnimo iyaga gudahooda ah la helo oo kalsoonidii la soo celiyo. 3) In degaan walbaaba kan ku xiga soo maro oo kalsooni wadajira lasoo sameeyo. 4) Markaa ka bacdi in la isugu yimaaddo shir aaya-ka-talis siyaasadeed ah oo  wax walba geedka hoostiisa la soo dhigayo, laga doodayo wixii laga badin waayona lagu dhaqaaqayo. Waxaan ka digayaa in kooxdan G10 ee Sabtida shirka ballansatay ay la gole yimaaddaan sheekooyinkii fashilmay ee bulshada lagu kicin jirey iyadoo dano gaara laga leeyahay. Sheekooyinkaas oo ay ka mid ahaayeen “midayn iyo xorayn” oo noqday wax dadka lagu hodayo iyadoo aan la isla meeldhigin waxa laga midoobayo, waxa loo midoobayo iyo waxa laga xoroobayo iyo nooca xornimo ee la gaadhayo. In aan laga aqbalin inay G10 la gole yimaaddaan sheekoyinkii xamaasadda ee xeeladdu ku qarsoonayd. Sheekooyinkaas oo ay ka mid ahaayeen “cadowgeenna” iyo “labada maamul ee hareeraha inaga xiga” iwm. Waxaan kusoo gunaanadayaa inaan dadka SSB dib danbeeto dad walaalahood ah oo Soomaaliya oo meelna aanay kala tegayn aan cadow looga dhigin. Waxa xaqiiqo in maamulka Somaliland tacaddiyo, burbur iyo barakicin ku sameeyey degaanada SSB. Waxa kaloo xaqiiqo ah in dad degaankan SSB kasoo jeedaa oo maamulkaa ka tirsani ay qayb ka ahaayeen dhibaatadaa. Waxa kaloo la tuhunsan yahay in dad ka mid ah hoggaanka sare ee Khaatumo oo ay ka mid yihiim G10 iyo G1 ay qayb ka ahaayeen maamul daajinta maamulka Somaliland iyo gacangelinta degaannadii shantii sano ee u danbeeyey gacanta maamulka Somaliland galay. Dadka Soomaaliyeed cadow isuma aha ee waxa ku dhex jira siyaasiyiin midba midka kale cadow ka dhigtay oo dadkii geliyey cadaawaddaa siyaasiga ah ee iyaga u dhexeysa. Maxamuud Ibrahim (Xaaji) dalmarbilaal@gmail.com
]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here