"Taariikhdii Daraawiishta waa la ixtiraamayaa Somalilandna waa lawada leeyahay"

0

Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah Cabdi Raxmaan Cirro oo shalay Hargeysa ku guryo noqday ayaa ka hadlay eedaymo aan cago ku taagnayn oo beryahanba ka soo baxayey Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye, taas oo uu ku sheegay in Gudoomiyaha Waddani uu diidan yahay 18 May. Gudoomiye Cirro oo arintan ka jawaabaya ayaa sheegay inuu aqoonsan yahay 18 May, laakiin Somaliland ay leedahay taariikh ka horeysay, 26 Jun ay tahay maalintii aynu xornimada qaadanay, 18 May na ay tahay maalintii aynu soo ceshanay dawladnimadii 26 Jun, laakiin Somaliland waxay leedahay taariikh ka horeysay 18 May lana tirtiri maayo, waana la ixtiraamayaa, Taariikhdii Daraawiishta waa la ixtiraamayaa, Somalilandna waa la wada leeeyahay. Gudoomiyaha Kulmiye oo lagu xanto xagjir siyaasadeed ayaa todobaadkan ku celcelinayey eedaynta Waddani, isagoo hadalka Cirro u arkaya debecsanaan iyo soo dhoweynta beelaha darafyada. Gudoomiye Muuse Biixi ayaa horey u sheegay in aanu beesha bariga cod ka sugayn, qof ka soo jeedanaya aanu madaxweyne ku xigeen u qaadanayn. https://youtu.be/z4L94BPvyGI]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here