Tahriibayaal 2000 gaaraya oo laga soo badbaadiyey Badda Mediterraneanka

0

2,200 qof oo u badan muhaajiriin Afrikan ah oo ay ku jiraan Somalia ayaa lagasoo bad baadiyay badda Mediterraneanka sidoo kalana 16 meydad ah ayaa lagasoo saaray badda sida ay sheegeen Ciidamada illaalada xeebaha Talyaaniga. Dadkan ayaa waxaa ay kasoo kala jeedaan dalalka Eritrea, Somalia iyo wadama galbeed Afrika sida Nigeria, Gambia. Hadal ay soo saareen illaada xeebaha dalka Talyaaniga ayaa waxaa ay ku sheegeen in ay 12 halwgal oo lagusoo bad baadiyay dadkaas ay dhaceen maalintii isniintii islamarkaana ay ka qayb qaateen doonyo kaluumaysi, maraakiib ganacsi iyo kuwa kale oo ay leeyihiin ururada samafalka. Badda Mediterraneanka ee u dhaxaysa waqooyiga Afrika iyo dalka Talyaniga ayaa waxaa ay tahay dariiq aad u Qatar badan oo ay isticmaalaan muhaajiriin Afrikan ah oo doonaya in ay u talaabaan qaarada Yurub halkaas oo tobanaan kun laga bad baadiyo ayadoo kumanaan kalena ay ku dhintaan. In kabadan 3,100 qof oo muhaajiriin ah ayaa ku dhintay sanadkaan kuwaa oo doonayay in ka gudbaan badda Mediterraneanka si ay u gaaraan dalka Talyaniga. Hawgalkaan ayaa maalintiin isniintii lagu soo bad baadiyay dadkan muhaajiriinta ah oo saarnaa 18 doomo oo cinjir ka samaysan iyo 3 doonyood oo kale. Sanadkii lasoo dhaafay 1 million oo muhaajiriin ah ayaa gaaray qaarada Yurub sida ay sheegtay hay’adda socdaalka aduunka.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here