Taliska Ciidanka Daraawishta Puntland Oo Ka Hadlay Xaquuqda Iyo Mushaharaadka Ciidanka Daraawishta Uga Maqan Xukumada Talada Haysa Ee Puntland[AKHRISO CADEYMO]

0

 Taliska Ciidanka Dawiishta Puntland oo Shaaciyay in 39kii bilood ay jirtay Xukuumadani Ay ka Maqantay 28 bilood oo mushaar ah 30 bilood oo Adeega iyo Weliba Guud Ahaan Lacagtii Daryeelka Caafimaadka Ciidamadda ku sugan Taliska Guud Ee Gobolka Nugaal ,aagga Sool iyo aagga Cayn iyo Weliba bilo ka Maqan Qaybta Mudug . Sarkal La soo Xiriiray Shabakada Goojacade.com ayaa Sidoo Kale Xaaqijiyey In Uu Xaaqijiyey In Ciidanka DARAWIISHTA Puntland Guud ahaan Xukumaadani Ay Kalsoonidoodi Luumisay Iyada Oo Aan Dib Uu Soo Firin Mudaadi Ay Jirtay Xarumihi Ciidankaasi Daganayeen Iyo Guud ahaan Haykalki Dowladnimo Ay Ku Kasbaan Jirtay Ciidan Inta Leeg .   Dhinaca Goojacade.com ayaa xubno ka tirsan guddiga difaaca baarlamanka Puntland kasoo xigatay nuqulo ka mid ah qoraalo ay u gudbiyeen baarlamanka saraakiisha ciidankaaso , kuwaas oo ay ku cad yihiin cabashooyin ku salaysan xuquuqda iyo bilaha mushahaarka uga maqan Xukuumada uu hogaaminayo Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas .   Akhriso qoraalka Goojacade.com nuqulo ka mid ah kuwaaso ay si hoose uga heshay xubno ka tirsan Guddiga Difaaca Baarlamanka Dowlada Puntland oo ay u gudbiyeen saraakiisha ciidanku ka dib kulan ay kula yeesheen baarlamanka bishii December xaruntooda magaalada Garoowe.   Goojacade.com Garowe-Puntland Soomaliya Email:-Goojacadewebsite@gmail.com            ]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here