Taliyeyaal ku dhintay weerar ka dhacay Muqdisho & AlShabaab oo sheegtay

0

Qaar ka mid ah taliyeyaasha ciidanka Booliska gobolka Banaadir ayaa la xaqiijiyey iney ku dhinteen weerar ismiidaamin ah oo saaka ka dhacay afaafka hore ee xarunta gaadiidka Booliska magaalada Muqdisho. Gaari roonet ah oo waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey ayaa lagu weeraray maqaaxi shaaha laga cabo oo ay ku sugnaayeen saraakiisha geeriyootay iyo kuwo dhaawac ah. Wararka ayaa sheegaya in weerarkan ay ku dhinteen taliyaha ciidanka Booliska saldhiga Suuqa Bakaaraha iyo taliye ku-xigeenka saldhiga degmada H/wadaag. Taliyaha booliska gobolka Banaadir Jen. Cali Gaab ayaa qiray in weerarka ay ku dhinteen saraakiil boolis ah inkastoo uusan magacyadooda sheegin. Dhinaca kale Al-shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerarkan ismiidaaminta ah ee saaka ka dhacay banaanka hore ee xarunta gaadiidka Booliska, waxayna sheegeen in ujeedada ay ka lahaayeen ay aheyd sidii ay u fashilin lahaayeen maamulka gobolka Banaadir oo lagu wareejiyey sugida amaanka gobolka Banaadir, waxayna xuseen iney ku dileen tobaneeyo sarkaal. Qaraxyadan ayaa noqonaya kuwii ugu horeeyey ee ka dhaca magaaladan Muqdisho tan iyo markii la shaaciyey in maamulka gobolka Banaadir lagu wareejiyey amaanka caasimada.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here