Wararka ka imaanaya Muqdisho ayaa sheegaya in taliyihii ku xigeenkii ciidamada koofiya casta ee ilaalada madaxtooyada la dilay. Askeri ka tirsan ciidamada madaxtooyada Soomaaliya ayaa toogtay taliyaha sida uu BBC-da u sheegay agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Shadoor Xaaji. Illaa iyo hadda ma cadda sababta uu askeriga u dilay Cabdi Cabdulle Qoorgaab, taliyihii ku xigeenkii ilaalada madaxtooyada. Wararka qaar waxa ay sheegayaan in rasaasta ka dhacday gudaha madaxtooyada uu sidoo kale ku dhaawacmay askari kale.]]>