Tirada qaraxyadii ka dhacay Soomaaliya sanadkaan 2017 iyo dadkii ku geeriyooday

0

Muqdisho– Bilowgii sanadkaan 2017 ayaa waxaa dalka Soomaaliya madaxweyne ka noqday Maxamed Cabdullaahi Farmajo, waxaana tan iyo xilligaas 50% sare u kacay qaraxyadii ay Al-Shabaab ka sameenayeen Dalka SOomaaliya gaar ahaan Caasimadda Muqdisho. Sanadkaan cusub 2017 ayaa la filayaa inuu noqdo sanadkii ugu badnaa oo ay qaraxyo ka dhacaan Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho maadaama bilowgiisa uu noqday sanadkii ugu darnaa oo ay Al-Shabaab qaraxyo sameeyaan. Sanadkan 2017, 337 qof oo shacab ah ayaa ku geeriyooday 87 Qarax oo ka dhacay Soomaaliya. Khasaaraha dadka rayidka ah kasoo gaaray qaraxyada ayaa 50% sara u kac uu ku yimid marka loo eego sanadkii 2015. Marka loo fiiriyo sanadkaan oo hadda bilow ah iyo tirada qaraxyada oo gaarayo 87 qarax waxaa meeshaa ka cad inuu sanadkaan noqon doono midkii ugu badnaa oo qaraxyo ka dhacaan Soomaaliya. Waxaa xusid mudan in inta badan qaraxyadaas ay ka dhacayen caasimadda  Soomaaliya, waxaana la filayaa inuu guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed wax badan ka badalo amniga Caasimadda.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here