Toban qof oo lagu dilay weerar Alshabaab ku qaaday Afgooye

0

Ugu yaraan toban qof ayaa lagu dilay weerar kooxda Al-shabaab ay ku qaaday saldhigyo ciidamada dawladdu ku lahaayeen degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose. Al-Shabaab waxa u suurtagashay in ay qabsadaan dhawr saldhig ka hor inta aanay isaga bixin Afgooye salaadii subax ka hor, waxayna horey u sii qaateen labo gaari oo ah kuwa dagaalka. Alshabaab ayaa kordhisay weerarada iyo qaraxyada ay ka wadaan koonfurta Soomaaliya. Axadii waxa ay madaafiic ku weerareen gegida dayuuradaha ee magaalada Kismaayo oo xarun u ah ciidamada Amisom ee jooga Kismaayo.]]>

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here