Maxkamad Faransiiska ayaa toddobo burcad baddeed Somaali ah ku xukuntay lix ilaa shan iyo toban sano oo xarig ah. Waxaa lagu helay danbi inay ku afduubeen doon Faransiiska laga leeyahay iyo inay ku dileen qofkii lahaa Gacanka Cadan 2011-kii. Xaaska ninka la dilay ayay soo badbaadiyeen laba maalin ka dib maraakiib Spanish ah. Reerka ninka doonta lahaa ee la dilay ayaa sheegay inaysan ku qanacsaneen xukunka, sababtoo ah waxay filanayeen xukun xabsi daa’in. Afduubyada ka dhaca badda Soomaaliya agteeda ayaa yaraaday, ka dib markii la kordhiyay maraakiib caalami ah ee ilaalinaysa badda iyo maraakiibta oo samaystay ilaalo hubaysan.]]>
QORAALADII U DAMBEEYEY
Akhriso Gudiga Aaska Qaran ee Marxuum Cali Khaliif Galeyr
Raiisul Wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa magacaabay Gudiga Aaska Qaran ee Marxuum Cali Khaliif Galeyr oo maanta magaalada Jigjiga ku geeriyooday.